Munaasabad eheyd mid lagu dhiira galinayay 82 arday oo dhameysatay waxbarashada dugsiga sare Tadaamun ayaa lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen maamulka iskuulka Qaar Ka Mid ah mas’uuliyiinta jaamacadaha magaalada Muqdisho, Guddoomiyaha degmada Shingaani ee gobolka banaadir, ardayda wax ka barata iskuulka iyo Marti sharaf kale kaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Inta ay munaasabada socotay ayaa waxaa goobta ay ugu deeqeen qaar ka mid ah maamulada jaamacadaha ku yaala magaalada muqdidho deeq wax barasho oo lacag la ,aan ah taasoo qeyb weyn ka qaadan karto horumarka waxbarshada ee ka jira dalka.
Madaxa suuq geynta jaamacada plasma oo ku hadlayay magaca jaamacadaha ayaa ugu deeqay waxbarsho lacag la aan ah aradayda dhameysatay dugsiyada sare ee dalka .
Guddoomiyaha degmada shingani ee gobolka banaadir axmed xasan yalaxoow oo ka soo qeyb galay munaasabada ayaa kula dardaarmay ardayda in sii wataan waxbarshadooda .
Maamulaha iskuulka hoose dhexe sare ee Tadaamun ayaa ku booriyay ardayda in ay ka qeyb qaataan waxbarshada jaamacadaha si ay u kordhiyaan aqoontooda waxbarashada.