Saturday, July 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirkii Hiigsiga oo la soo gaba gabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
July 30, 2015
in Wararka
0
Shirkii Hiigsiga oo la soo gaba gabeeyay iyo war murtiyeed laga soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka heerka wasiir ee caalamiga ah oo 29 kii bishaan ka furmay magaalada muqdisho ayaa goor dhow lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho,  iyadoo gaba gabada shirka ay ka soo baxeen qodobo  fara badan oo la ‘isku raacay inay gogol xaar u noqon doonaan hiigsiga sanadka 2016 ka iyo ka faa’iideysiga New Dealka.

Shirka ayaa waxyaabihii la isla af gartay inay lagama maarmaan u yihiin gaarista 2016 oo ka kooban ku dhawaad 40 qodob  waxaa goobta ka akhriyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye Cumar.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Qodobada ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa in la taageero maamul goboleedka Galmudug iyo Golaheeda Baarlamaanka, dib u dhiska hay’adaha dowlada iyo dar dar gelinta gudiga doorashooyinka dalka.

Qodobada ka soo baxay shirka waxaa kale oo ka mid ahaa guddiga doorashada arrimaha horyaala, dhameystirka federaalka, dardargelinta wasaaradaha dowlada howlaha ay u xilsaaranyihiin, Kabista iyo horumarinta waxyaabaha qabsoomay iyo dib u habeynta Garsoorka,

Dib u eegista dastuurka, iyadoo loo marayo hab sharciyeysan oo federal ah loona wada dhanyahay,hogaanka Soomaaliyeed iyo golaha sharci dejinta si loo gaaro qorsha mideysan oo doorasho sanadka 2016 ah, taasi oo hor seedeysa horumar,

Waxaa aad loo amaanay dagaalka ka dhanka argagaxisada ee ay wadaan ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo amisom iyadoo la dardar gelin doono qorshaha wada jirka ah ee lagu ciribtirayo cadowga iyadoo la rajeynayo howlgaladaasi ay wehliyaan gargaar bani’aadanimo,dhowrista xuquuqda aadanaha,iyo ilaalinta sharciga,

Waxaa la isla gartay inay talaabo muhiim ah tahay dardar gelinta dhaqaalaha iyo kaalmada caalamiga ah iyadoo la marsiinayo bangiga dhexe ee Soomaaliya,lana tixraacayo sharciga 1989kii,kabista dhaqaalaha, dowlad wanaaga, iyo maamul baahinta,

Qorshaha dib u eegsita, waxayaabihii qabsoomay ayaa la isla gartay inay ka soo hoydeen guulo wax ku ool ah iyadoo la garwaaqsaday in la sii horumariyo,Waxaa la isla gartay in ahmiyad gaar ah lagu eego qaxootiga Soomaaliyeed ee Yeman kasoo qaxay taasi oo ah inay helaan dib u dejin iyo hooy dadka imaanaya,

Waxaa la isla agrtay in Somalia aysan duruuftu saameyn in  1 qof iyo hal cod loo dareero bedelkeedana ay dalka ka dhici doonaan doorasho ka balaaran tii hore u soo martay wadanka waxaanan jiri doonin mudo kordhin marka uu dhamaado waqtiga dowladda federaalka ah waqtigeeda sanadka 2016.

Madaxweynaha dalka mudanae Xasan shiiiq Maxamuud, Ra’isul wasaaraha Somalia Mudane Omar Abdirashiid Ali wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay Nicolas Kay ayaa si wada jir ah jir jiraa’id u wada qabtay, iyagoo bogaadiyay qodobadi ka soo baxay shirka, waxaana si isku mid ah ay u sheegeen in dalka Doorasho hal cod iyo hal qof aysan ka dhici Karin laakiin taasi badalkeeda ay dhici doonto mid ka balaaran tii 2012-ki ka dhacday Muqdisho, waxaana mas’uuliyiinta ay bogaadiyeen horumarka Dowladda Ay Ku Tilaabsatay.

 

Previous Post

Arday Dhiira galin Loogu Sameeyay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In