Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday ku geeriyootay dab ka kacay iskuul ku yaala dalka Malesia

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 14, 2017
in Wararka
0
Arday ku geeriyootay dab ka kacay iskuul ku yaala dalka Malesia
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ilaa inta la xaqiijiyay  25  qof ayaa ku geeriyootay kadib markii dab xooggan uu ka kacay xalay mid ka mid ah  iskuullada  Islaamiga ah ee ku yaala magalaaada Kualalumbur ee xarunta Dalka Malesia.

Dadka ku dhintay dabkaasi ayaa ah 23 arday iyo 2 macalin waxaana ku dhaawacantahay ilaal 7 qof oo kale, lamana oga ilaa iyo haatan sababta dhabta ah ee dhalisay dabkaasi, oo ka kacay xarun Qur’aanka Kariimka ah lagu xifdiyo oo lagu magacaabo Ittifaqiyah,waxaana uu dabkaasi kacay aroor hore xilli ay jiifeen inta badan dadka.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha Hay’adda dabdamiska ee Dalkaasi Malesia oo goobtaasi gaaray ayaa Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in qasaaraha uu intaasi la egyahay, waxaana uu intaasi ku daray in la soo bad baadiyay 11 qof oo kale.

Waxaa soconaya baaritaano ay hay’adaha ammaanka Dalkaasi ku hayaan sababta dhalisay dadkaasi,waxaana weli aan si rasmi ah macluumaad dheeraad ah looga bixin da’da ardaydaasi ee iskuulka hoyga ee Ittifaqiyah lagu xanaaneeyo.

Dalka  Malaysia ayaa inta badan caan ku ah xarumaha lagu barto duruusta diiniga ah oo ay ardaydu seexdaan, waana wadanka ugu horeeya   ee Qaaradda Assia oo ay ardayda ka kala socota wadamada Africa ay waxbarasho u aadaan.

Previous Post

Dhageyso warbixin ka hadlaysa dhibaatooyinka heysta dadka aan lixaadooda dhameystirneyn

Next Post

Dalalka Turkiga iyo Kuweyt oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Next Post
Dalalka Turkiga iyo Kuweyt oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Dalalka Turkiga iyo Kuweyt oo kala saxiixday heshiis iskaashi

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In