Munaasabadan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Dugsiga Sare ee Waabari ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka kala tirsan Dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug Waalidiin Waxgarad Aqoonyahanno iyo Xubno ka socday Ururada haweenka iyo Dhallinyarada
Maamulaha Guud ee Dugsiga Sare ee Waabari Maxamed Sheekh Saciid ayaa ugu horeyn ka warbixiyay Dadaalka Waxbarasho ee ay muujiyeen Ardayda dhiiri galinta loo sameeynayay iyo doorka ardayda Dugsiga sare ee Mudug ay ka qaateen Nabadda Gobalka Maadaama iskuulka ay wax ka bartaan Arday ka kala yimaada labada daraf ee magaalada oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug.
Munaasabadda ayaa intii ay socatay waxaa ka hadlay Waalidiin waxgarad Xubno ka socday ururada Haweenka iyo dhallinyarada kuwaa oo dhamaantood uga mahad celiyay maamulka Dugsiga Sare ee Mudug dadaalka waxbarasho ee suurta galiyay in tiro aad u badan ay sanad walba ka baxaan iskuulkaasi sidoo kalana Ardayda iskuulkaasi wax ka barta ay u suura gasho in sanad walba ay ka mid noqdaan Ardayda Kaalimaha hore ka gasha Imtixaanka ay qaado Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.
Ugu danbeyna Aqoon yanadii iyo Masuuliyiintii ka qeyb fashay Munaasabada ayaa u mahadceliyay Ardayda iyagoo dhanka kalana kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda Waxbarasho