Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda dugsiga sare ee Cabdullaahi Ciise oo ka qeyb qaadanaya olalaha dhireynta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ardayda dugsiga sare ee Cabdullaahi Ciise oo ka qeyb qaadanaya olalaha dhireynta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ardayda dugsigya sare ee Cabdullaahi Ciise Maxamuud ayaa waxa ay ku dhawaad Boqal geed ku wareejiyeen ururka Horseedka Horumarka oo ah urur isku xilqaamay in ay ka shaqeeyaan dhiraynta deegaannada Gobalka Mudug.

Munaasabada ay ardaydu ku weereejinayeen geedaha ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha ardayda Cabdishakuur Cabdulqaadir Cusmaan iyo Aniso Maxamed Cali oo ka mid ahaa ardayda dugsiga sare ee Cabdulaahi Ciise, waxayna sheegeen in geedahani ay biloowyihiin kaalinta ardaydu ay ka qaadanayaan dhiraynta iyo xoojinta bilicda magaalada Gaalkacyo.

Related posts

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

February 23, 2026

Maamulaha Dugsiga Hoose Dhaxe iyo Sare ee Cabdullaahi Ciise Maxamuud mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi ayaa sheegay in Ardayd iskuulka Cabdulaahi Ciise ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada horumarinta adeegyada ay bulshadu u baahanyihiin, isagoo xusay in ardayda ay door weyn ka qaadanayaan garab istaaga cid kasta oo ka shaqeeyneysa Danaha bulshada.

“Ardayda waxa ay kal hore qaateen tabarucaadda dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Hobyo iyo Gaalkacyo, taas oo xaqiiqdii ah mashruucii ugu weynaa ee ay bulsho Soomaaliyeed ay u istaagaan in ay ku dhistaan si isku tashi ah, iyagoo wax gacan ah ka heleyn hay’ado ama dowlado maanta mira dhalkeedii uu waxyar ka dhiman yahay, maadaama lagu guuleystay in la dhiso intii ugu badneyd uguna dhibka badneyd waddada” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha Ururka Horseedka Horumarka Barre Sheekh Saciid ayaa uga mahadceliyay ardayda iyo maamulka Dugsi Sare ee Cabdulaahi Ciise kaalinta ay ka qaadanayaan dhireynta iyo hagaajinta bilicda Gaalkacyo, isagoo tilmamay in dalkaan dhallinyaradiisu ay isku xilqaameen olalaha guri iyo geed oo ah halku dhiga ururka horseedka horumarka Mudug.

Ardayda ayaa sidoo kale lagu wadaa in Ururada Dhallinyarada Isxilqaamayaasha Gaalkacyo ee Puntland ay gaarsiiyaan geedo loogu talagalay dhireynta magaalada Gaalkacyo, taasoo ah mid muujineeysa isdhax galka iyo horumarka dhanka nabadda ee ka jira Gaalkacyo.

W/D: Cabdirisaaq Maxamed Axmed Galkaacyo

Previous Post

Wasiirka Qorsheynta oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ku saabsan Ayax ku habsaday Koonfurta Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ku saabsan Ayax ku habsaday Koonfurta Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo ku saabsan Ayax ku habsaday Koonfurta Soomaaliya “SAWIRRO”

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

Adeegyada dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah oo laga wada hadlay

February 23, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cabdiqaadir Cilmi ayaa guddoomiyay kulan la xiriira arrimaha adeegyada...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenimo

February 23, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia Danjire Dr Faysal Axmed Salaad ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

Wasiirka Hawlaha Guud XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb

February 23, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa si rasmi...

Taliyaha Qaybta Guud ee booliska oo guddoomiyey kulanka xoojinta Amniga Caasimadda

Taliyaha Qaybta Guud ee booliska oo guddoomiyey kulanka xoojinta Amniga Caasimadda

February 23, 2026
0

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo ay isugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In