Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan oo dooranaya hogaan cusub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaan oo dooranaya hogaan cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal ka mid ah ardyada Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Suudaan ayaa diyaargarow ugu jira doorashada madaxda hogaamin doonta Ururka Midowga ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Suudaan, doorashadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay guddiga doorashada ee ururka,waxaana ku tartamaya ilaa iyo 7 Murashax, Ardayda ka soo qaybgashay doorashada ee codkooda dhiibanaya ayaa ka kala yimid Jaamacaddaha Suudaan waxayna iskugu jiraan Wiilal iyo Gabdho.

Ugu horeyntii hoolka ay doorashada ka dhaceysay ayaa waxaa ardyada kula hadlay gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan Cabdi-Wali Xasan Xuseen iyo gudoomiyaha xilkiisa dhamaaday Yacquub Wehliye,waxayna ardyada ugu mahadceliyeen sida quruxda badan ee doorashada ugu soo baxeen,iyagoona kula dardaarmay inay doortaan qofkii hogaamin lahaa.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Dhanka kale u qaybsanahaWarfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Fiidow Maxamuud Fiidow iyo Salaad Cosey oo ku hadlayay guddiga soo qaban qaabiyay doorashada ayaa ardayda ku booriyay  inay si hufan codkooda u dhiibtaan, waxayna sharaxaad ka bixiyeen xeerarka doorashada.

Sido kale Cabdulqaadir C/llaahi Faarax oo ku hadlayay Afka murashaxiinta u taagan Xilka ayaa sheegay inay aad ugu qacansan yahiin sida ay doorashada ku dhacay asagoona mahad celin ballaaran u jeediyay guddiga doorashada howsha wanaagsan ay qabteen.

Doorashada Ururka Midowga ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa waxay ku soo dhamaatay jawi wanaagsan,iyadoona lagu wado in natiijada doorashada lagu dhawaaqo maalinimada berri ah.

Ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa ah urur aad u facwayn,waxaana la asaasay sanadkii1976-dii,waxaana xilal kala duwan ka soo qabtay siyaasiyiin caan ka ah Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Safaaradda Masar oo deeq Dawo ah ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Safaaradda Masar oo deeq Dawo ah ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya+Sawirro

Safaaradda Masar oo deeq Dawo ah ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In