Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa oo dooratay Gudoomiye cusub+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa oo dooratay Gudoomiye cusub+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
Doorashada Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa sanadkiina la qabto halmar ayaa ka dhacday magaalada Johannesburg gaar ahaan xaafada Soomaalida dagan tahay ee mayfair waxaana ka soo qeybgalay qeybaha arday Soomaali ah oo ka kala yimid gobolada dalka Koofur Africa.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka ardayda Axmed Yuusuf Cadnaan oo furitaanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waxqabadka Ururka sanadkii 2016-ka ee xilka ay soo hayeen,waxaa uu xusay in howlaha badan ay u qabsoomeen kana qeyb qaateen barnaamijyo badan oo wacyi galin ah kuwaa oo loo sameeynayay bulshada Soomaaliyeed.

Xoghayaha Ururka Cabdirisaaq Killas ayaa asna goobta ka hadlay waxaa sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay la kulmeen hay’ado badan oo deeq bixiyaal ah  isla markaana ay kala hadleen sidii loo caawin lahaa dhalinyarada dooneysa in ay wax barato,waxaa uu xusay in ay jiraan dhibaatooyin ay ardayda kala kulmaan in deeqaha loogu talagalay ardayda masaakiinta ah iyo kuwa agoomaha ah laga leexsado dad kale oo baahidaas aan qabina ay isticmaalaan taana loo baahan yahay in bulshada meel ay uga soo wada jeesato.

Sheikh Axmed Cabdi ka mid ah madaxda Hey’ada Culimada Al bayaan ee dalka Koofur Africa ayaa asna goobta ka hadlay waxaana ay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan ururka ardayda .

Intaasi kadib waxaa la guda galay cod bixinta cida noqoneysa gudoomiyaha ururka ardayda Soomaalida ee dalkaan Koofur Africa waxaana xilkaasi u taagnaa laba musharax oo kala ahaa Maxamuud Cabdirisaaq iyo Saciid waxaana ay ardayda hortooda ka jeediyeen waxa ay qabanayaan hadii codadkooda ay helaan.

Maxamuud Cabdi risaaq ayaa ku guuleystay doorashada markii uu helay codad gaaraya 34 halka musharaxa la tartamayayna uu helay 16 waxaaana sanaddka 2017-ka ardayda hogaamin doona Maxamuud Cabdirisaaq sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Intaasi kadib waxaa ardayda ka kala timid gobolada dalka qado sharaf u sameeyay ururka dhalinyarada ka hortaga qabyaalada Caydaruus Ismaaciil oo ah agaasimaha ururkaan qeybtiisa South Africa ayaana soo agaasimay waxaana goob joog ahaa gudoomiyaha jaaliyada Caamir sheikh.

Caydaruus ayaa ardayda waxaa uu ugu baaqay in ay tusaale u noqdaan carruurta halkaan ku dhalata ee Soomaalida ah ayaga oo ka caawinaya in ay helaan arday ay raaci karaan dhanka waxbarashada iyo isku xerka waxaana uu sheegay in uu aad u garabtagan yahay ardayda.

Caamir Sheikh Gudoomiyaha Jaaliyada ayaa dhankiisa goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in aqoonta ay tahay sida mugdi iyo iftiin qofka aan aqoonta leh looga baahan yahay maskax wanaagsan oo wax lagu hogaamin karo waxaa uu ka codsaday in bulshada Soomaalida aysan ka dhaxbixin oo ay wacyi galinta u sameeyaan dhalinyarada.

Waa doorashadii saddaxaad oo ururka ardayda Soomaaliyeed Yeesho waxaa markii ugu horesay lagu qabtay magaalada Cape Town ayada oo labadii xilli ee ugu dambeysay lagu qabtay magaalada Johannesburg.

IMG_4435 IMG_4440 IMG_4445 IMG_4459 IMG_4465 IMG_4490 IMG_4525
Cabdullaahi Qorshe 
Previous Post

Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay deegaanka Mooro-gaabeey

Next Post

Diiwaangalinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo Maanta bilaabatay

Next Post
Diiwaangalinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo Maanta bilaabatay

Diiwaangalinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo Maanta bilaabatay

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar,...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In