Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa oo dooratay Gudoomiye cusub+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa oo dooratay Gudoomiye cusub+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
Doorashada Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa sanadkiina la qabto halmar ayaa ka dhacday magaalada Johannesburg gaar ahaan xaafada Soomaalida dagan tahay ee mayfair waxaana ka soo qeybgalay qeybaha arday Soomaali ah oo ka kala yimid gobolada dalka Koofur Africa.

Gudoomiye ku xigeenka Ururka ardayda Axmed Yuusuf Cadnaan oo furitaanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waxqabadka Ururka sanadkii 2016-ka ee xilka ay soo hayeen,waxaa uu xusay in howlaha badan ay u qabsoomeen kana qeyb qaateen barnaamijyo badan oo wacyi galin ah kuwaa oo loo sameeynayay bulshada Soomaaliyeed.

Xoghayaha Ururka Cabdirisaaq Killas ayaa asna goobta ka hadlay waxaa sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay la kulmeen hay’ado badan oo deeq bixiyaal ah  isla markaana ay kala hadleen sidii loo caawin lahaa dhalinyarada dooneysa in ay wax barato,waxaa uu xusay in ay jiraan dhibaatooyin ay ardayda kala kulmaan in deeqaha loogu talagalay ardayda masaakiinta ah iyo kuwa agoomaha ah laga leexsado dad kale oo baahidaas aan qabina ay isticmaalaan taana loo baahan yahay in bulshada meel ay uga soo wada jeesato.

Sheikh Axmed Cabdi ka mid ah madaxda Hey’ada Culimada Al bayaan ee dalka Koofur Africa ayaa asna goobta ka hadlay waxaana ay sheegeen in ay la shaqeyn doonaan ururka ardayda .

Intaasi kadib waxaa la guda galay cod bixinta cida noqoneysa gudoomiyaha ururka ardayda Soomaalida ee dalkaan Koofur Africa waxaana xilkaasi u taagnaa laba musharax oo kala ahaa Maxamuud Cabdirisaaq iyo Saciid waxaana ay ardayda hortooda ka jeediyeen waxa ay qabanayaan hadii codadkooda ay helaan.

Maxamuud Cabdi risaaq ayaa ku guuleystay doorashada markii uu helay codad gaaraya 34 halka musharaxa la tartamayayna uu helay 16 waxaaana sanaddka 2017-ka ardayda hogaamin doona Maxamuud Cabdirisaaq sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Intaasi kadib waxaa ardayda ka kala timid gobolada dalka qado sharaf u sameeyay ururka dhalinyarada ka hortaga qabyaalada Caydaruus Ismaaciil oo ah agaasimaha ururkaan qeybtiisa South Africa ayaana soo agaasimay waxaana goob joog ahaa gudoomiyaha jaaliyada Caamir sheikh.

Caydaruus ayaa ardayda waxaa uu ugu baaqay in ay tusaale u noqdaan carruurta halkaan ku dhalata ee Soomaalida ah ayaga oo ka caawinaya in ay helaan arday ay raaci karaan dhanka waxbarashada iyo isku xerka waxaana uu sheegay in uu aad u garabtagan yahay ardayda.

Caamir Sheikh Gudoomiyaha Jaaliyada ayaa dhankiisa goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in aqoonta ay tahay sida mugdi iyo iftiin qofka aan aqoonta leh looga baahan yahay maskax wanaagsan oo wax lagu hogaamin karo waxaa uu ka codsaday in bulshada Soomaalida aysan ka dhaxbixin oo ay wacyi galinta u sameeyaan dhalinyarada.

Waa doorashadii saddaxaad oo ururka ardayda Soomaaliyeed Yeesho waxaa markii ugu horesay lagu qabtay magaalada Cape Town ayada oo labadii xilli ee ugu dambeysay lagu qabtay magaalada Johannesburg.

IMG_4435 IMG_4440 IMG_4445 IMG_4459 IMG_4465 IMG_4490 IMG_4525
Cabdullaahi Qorshe 
Previous Post

Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay deegaanka Mooro-gaabeey

Next Post

Diiwaangalinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo Maanta bilaabatay

Next Post
Diiwaangalinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo Maanta bilaabatay

Diiwaangalinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo Maanta bilaabatay

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In