Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay deegaanka Mooro-gaabeey

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 3, 2017
in Wararka
0
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay deegaanka Mooro-gaabeey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay deegaanka Mooro gaabeey oo qiyaastii 30 KM u jirta degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, iyagoo ku sii siqaya deegaanno hor leh.

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo gacan ku helaya kuwa maamulka Koofur galbeed ayaa si nabad gelyo ah kula wareegay deegaanka Mooro gaabeey kaddib howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab oo ay halkaasi ka fuliyeen.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Jeneraal Xasan Baydhabo oo ciidamadaasi hogaaminayay ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaasi isagoo xaqiijiyay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Moorogaabeey oo istiraatiiji ah howlgallada ciidamada XDS ay ku baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka Shabaab.

Sidoo kale Jeneraal Xasan Baydhabo ayaa tilmaamay in ciidamadu ay dileen labo ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab kuwaasoo sahan ahaa islamarkaana watay labo mooto oo nooca dhug dhugleyda ah, wuxuuna xusay in ay ka qaateen hubki iyo mootooyinki ay isticmaalayeen maleeshiyaadkaasi.

Jeneraalka ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada XDS ay isku filanyihiin marka la eego howlgalada ay ka fulinayaan deeganadaasi, ayna ka maarmi karaan gacan ay ka helaan kuwa AMISOM.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax Ee Radio Muqdisho 3-1-2017

Next Post

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa oo dooratay Gudoomiye cusub+Sawirro

Next Post
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa oo dooratay Gudoomiye cusub+Sawirro

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka South Africa oo dooratay Gudoomiye cusub+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In