Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo akhrinta saddexaad mariyay sharciga Qaxootiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 1, 2016
in Wararka
0
Wasiirka Amniga oo maanta  Horimaandoona Barlamaanka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaananda baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, ayaa akhrinta 3aad mariyay hindise sharciyeedka Sharciga Qaxootiga, iyado akhirnta koowaadna mariyay Hindise sharciyeedyada Xanaanada xoolaha.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa markii ay kulanka soo xaadireen waxa ay amba qaadeen ka doodista sharciyada horyaalla.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Xildhibaan Cabdalla Boss oo ka tirsan Guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka ayaa Xildhibannada u sharxay muhiimadda uu Hindise sharciyeedkan u leeyahay dalka, isagoo ka codsaday inay meel mariyaan sharcigan.

Intaas kadib mudanayaasha baarlamaanka ayaa guda galay akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka xanaanada Xoolaha, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid uu baarlamaanka u faah faahiyay sharcigan, isagoo tilmaamay inuu ahmiyad u leedayahay dalka.

Wasiirka ayaa Xildhibaananda ka codsaday in sharcigan oo ka kooban 14 cutub, marka ay u dhamaato akhrinta loogu talagalay iyo tallooyinka Xildhibaannada ay meel mariyaan, isagoo xusay in uu ka qeyb qaadan doono horumarinta xoolaha dalkeena oo uu ku sheegay inay yihiin Kheyraadka la hubo.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa Xildhibaannada ka maqan shirka ka codsaday inay yimaadaan shirarka baarlamaanka, maadaama ay horyaalaan sharciyo muhiim ah.

 

Previous Post

Ururka Gabdhaha Suxufiyiinta oo tababar u qabtay 30 haween ah “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo Nairobi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin Kala Duwan”Sawirro”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo Nairobi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin Kala Duwan”Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta oo Nairobi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin Kala Duwan"Sawirro"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In