Saturday, April 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo akhrinta saddexaad mariyay sharciga Qaxootiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga oo maanta  Horimaandoona Barlamaanka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaananda baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, ayaa akhrinta 3aad mariyay hindise sharciyeedka Sharciga Qaxootiga, iyado akhirnta koowaadna mariyay Hindise sharciyeedyada Xanaanada xoolaha.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa markii ay kulanka soo xaadireen waxa ay amba qaadeen ka doodista sharciyada horyaalla.

Related posts

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026

Xildhibaan Cabdalla Boss oo ka tirsan Guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka ayaa Xildhibannada u sharxay muhiimadda uu Hindise sharciyeedkan u leeyahay dalka, isagoo ka codsaday inay meel mariyaan sharcigan.

Intaas kadib mudanayaasha baarlamaanka ayaa guda galay akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka xanaanada Xoolaha, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid uu baarlamaanka u faah faahiyay sharcigan, isagoo tilmaamay inuu ahmiyad u leedayahay dalka.

Wasiirka ayaa Xildhibaananda ka codsaday in sharcigan oo ka kooban 14 cutub, marka ay u dhamaato akhrinta loogu talagalay iyo tallooyinka Xildhibaannada ay meel mariyaan, isagoo xusay in uu ka qeyb qaadan doono horumarinta xoolaha dalkeena oo uu ku sheegay inay yihiin Kheyraadka la hubo.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa Xildhibaannada ka maqan shirka ka codsaday inay yimaadaan shirarka baarlamaanka, maadaama ay horyaalaan sharciyo muhiim ah.

 

Previous Post

Ururka Gabdhaha Suxufiyiinta oo tababar u qabtay 30 haween ah “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta oo Nairobi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin Kala Duwan”Sawirro”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta oo Nairobi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin Kala Duwan”Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta oo Nairobi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin Kala Duwan"Sawirro"

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

Wasiirka Maaliyadda XFS oo khudbad ka jeediyay kulanka Bangiga Dunida ee Washington

April 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa khudbad taabaneysa dhinacyo badan ka jeediyay fadhiga loo dhan...

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

Mas’uuliyiinta Buuhoodle oo u istaagay ciribtirka muqaadaraadka

April 17, 2026
0

Maamulka Degmada Buuhoodle,saraakiisha boliiska,kuwa daraawiishta iyo odayaasha dhaqanka ayaa yeeshay kulan looga hadlaayay xaaladda amni ee degmadaasi iyo qaabka loo...

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

Madaxda Wasaaradda Sportiga XFS oo kulan muhiim ah la qaatay Ururada Dhallinyarada

April 17, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Axmed Yuusuf Xasan ayaa kulan la qaatay hoggaamiyeyaasha ururrada dhallinyarada ee ka...

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo Nirobi kula shiray Mas’uuliyiin ka tirsan K/ Kuuriya

April 17, 2026
0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Ka hortagga iyo La dagaallanka fikradaha Xagjirka ah ee wata rabshadaha Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In