Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Warfaafinta oo Nairobi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin Kala Duwan”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo Nairobi kulamo kula yeeshay diblomaasiyiin Kala Duwan”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nairobi,  01 February 2016 – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye ) iyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta Mudane Cabdirizaq Ali Yusuf (Bahlawi) ayaa kulamo looga hadlayay horumarinayo warbaahinta la qaatay diblomaasiin kala duwan oo fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Wasiirka ayaa maanta kulamo la yeeshay Mas’uulka dhanka Warbaahinta u qaabilsan Safaarada Mareykanka Raymond Stephens iyo mas’uuliyiin la socotay. Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay Sean Brooks oo ah mas’ uul ka tirsan hay’adda USAID iyo Fowziyo Cali oo ka tirsan hay’ada AECOM oo mashaariic ka fulisa Soomaaliya.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Wasiirka ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay warbixin ka siiyay meel marinta xeerkii saxaafada Soomaaliya,qabashada shirkii warbaahinta oo ay ka soo qeyb galeen maamulka goboleedyada ka jira dalka iyo shirkii ugu danbeyay oo ay wasaarada qabatay bishii dhamaatay oo looga hadlayay istiraatiijiyada warbaahinta ee shanta sano soo socota.

Wasiirka ayaa mas’ uuliyiintaasi kala hadlay horumarinta warbaahinta Soomaaliya iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa Istiraatijiyada Warbaahinta Soomaaliya.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale la kumay Madax Africa ee hay’adda Xaquuqul Insaanka ee Human Rights Watch (HRW) oo ay ka wada hadleen tacadiyada loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta hay’adda xuquuqul insaanka in la soo qabtay gacan ku dhiiglayaashii dilay wariyaashii ugu danbeeyay ee la dilay,isagoo sheegay in la dilay qaar ka mid ah gacan ku dhiilayaashii,halka kuwa kalana dhawaan la dili doono,ka dib markii ay qirteen in ay fuliyeen dilalkaasi.

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareey) ayaa la filayaa in uu la kulmo Safiirada Finland iyo midowga Yurub (EU), isagoo berri khudbad ka jeedin doonaa shirka Kooxda Taageerta Warbaahinta Soomaaliya (Somali Media Support Group) oo ay hay’adaha iyo deeq bixiyeyaasha ku mideysan yihiin.

IMG_20160201_100750 IMG_20160201_100759 IMG_20160201_100815 IMG_20160201_100842 IMG_20160201_100844 IMG_20160201_100900 IMG_20160201_100903 IMG_20160201_100925 IMG_20160201_100944 IMG_20160201_100957 IMG_20160201_101011 IMG_20160201_101032 IMG_20160201_101035 IMG_20160201_101051 IMG_20160201_120354 IMG_20160201_120500 IMG_20160201_120507 IMG_20160201_120524 IMG_20160201_120533 IMG_20160201_120553 IMG_20160201_120602 IMG_20160201_120625 IMG_20160201_120634 IMG_20160201_120639

Sawir qaade:- Cilmi Maxamed Waare

Previous Post

Baarlamaanka oo akhrinta saddexaad mariyay sharciga Qaxootiga

Next Post

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtay

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In