Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo ansixiyay dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixinta Dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka waxaa Baarlamaanka keenay guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka, ayadoo guddoomiyaha guddigaasi Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh uu Xildhibaannada ka hor sheegay in Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka ay Xildhibaannadu ansixiyeen bishii January ee sanadkii 2014 balse uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda dib ugu soo celiyey Baarlamaanka.

Xoghayaha Guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka Xildhibaan Cusmaan Xaaji Cali oo Xildhibaannada u akhriyey wax ka bedelka sharcigan lagu sameeyey iyo qodobadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka biya diiday ee sababta u ahaa in sharcigan dib loogu soo celiyo Baarlamaanka oo markii hore ansixiyey.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Soo jeedintaasi kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka codeyn gacan taag aheyd ku meel mariyeen dib u eegista Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka waxaana ogolaaday 156 Xildhibaan, waxaa diiday 2, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan.

Sida uu qabo dastuurka dalka qodobkiisa 90aad xafarkiisa (F) wuxuu saxiixayaa sharciyada uu ansixyo Baarlamaanka si sharci looga dhigo, dhinaca kale Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta go’aansaday in dib loo dhigo xeritaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka, waxaana uu Afhayeenka Baarlamaanka Xildhibaannada u akhriyey qodobka 24aad ee Xeer Hoosaadka Baarlamaanka oo ku saabsan Kalfadhiyada Golaha Shacabka, si gaar ahna farqada 5aad oo araneysa β€œFadhiyada ama kalfadhiyada waxey soconayaan ilaa laga dhameeyo ajandaha hor yaala golaha iyo Hindise Sharciyeedyada deg degga ah”

Inkastoo qorshuhu ahaa in Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka uu soo xermo 27ka bishan hadana waxaa go’aankani ay ka dhigaysaa in uu Kalfadhigu sii furnaado waqti aan la cayimin, ayadoo Baarlamaankana ay hor yaalaan Ajandayaal culus oo ugu horeeyo maareynta Mooshinka Xil ka qaadidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay soo gudbiyeen.

Previous Post

Xoghayaha Cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo xilka la wareegay β€œSAWRRO”

Next Post

Tiro dad ah oo loo qabtay qaraxii maanta ka dhacay Kismaayo

Next Post
50 Maxaabiis ah oo maanta laga sii daayay xabsiyada magaalada Kismaayo

Tiro dad ah oo loo qabtay qaraxii maanta ka dhacay Kismaayo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In