Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banaan bax ka dhan ah qaraxii Masjidu Nabawi oo Muqdisho ka dhacay-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Banaan bax ka dhan ah qaraxii Masjidu Nabawi oo Muqdisho ka dhacay-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqolaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan xaafadaha magaalada Muqidsho ayaa saaka ka qeybgalay banana bax looga soo horjeeday qaraxii dhowaan ka dhacay magaalada Madiina gaar ahaan meel ku dhow Masjidka barakeysan ee “MASJIDU NABAWI AL-SHARIIF” oo uu ku aasan yahay nabigeena Muxamed NNKH.

Mas’uuliyiintii banan baxa ka qeybgashay ayaa waxaa kamid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya, agaasimaha guud wasaarada owqaafta iyo arimaha diinta iyo xubno kale.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026

Isu soo baxa ayaa waxaa soo qaban qaabiyay culimada Soomaaliyeed waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed qaarkood.

Dadka banaan baxa ka qeybgalay ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin ereyo lagu amaanayo nabigeena Muxamed NNKH iyo guud ahaan ahmiyadda ay leedahaya ilaalinta goobaha xurmadda leh oo ay magaalada Madiina kamid tahay oo uu ku yaalo masjidka labaad ee ugu barakeysan guud ahaan caalamka.

Culimadii banana baxa ka qeybgashay oo qaarkood la hadlay dadkii goobta joogay ayaa sheegay in qofka muslimka ah looga baahan yahay in uu ka dhiidhiyo marka dhibaato loo geysto meelaha barakeysan oo ay kamid yahay masjidka nabigeena Muxamed NNKH oo ku yaala magaalada Madiina oo dhowaan weerar is qarxin ah uu ka dhacay meel aan sidaa ugu dheereyn.

Banan baxa ayaa waxaa culimadii ka qeybgashay kamid ahaa Sh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed, Sh Nuur Baaruud Gurxan, Sh Yuusuf Cali Ceynte oo ah guddoomiyaha majmaca culimada, Sh Cali Dheer agaasimaha waaxda diinta ee wasaaradda owqaafta, Sh C/qaadir Soomow iyo culimo kale.

Afartii bishan ayaa qof isku soo xirey walxaha qarxa waxaa isku qarxiyay meel ku dhow masjidka nabigeena, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay guud ahaan dunida muslimka si weyn looga cambaareeyay weerarkaas.

IMG_7515 IMG_7518 IMG_7520 IMG_7522 IMG_7526 IMG_7529 IMG_7530 IMG_7534 IMG_7535 IMG_7537 IMG_7542 IMG_7544 IMG_7554 IMG_7577 IMG_7583 IMG_7585 IMG_7590 IMG_7592 IMG_7598 IMG_7607 IMG_7618 IMG_7620 IMG_7621 IMG_7622 IMG_7625 IMG_7627 IMG_7628 IMG_7633 IMG_7647 IMG_7655 IMG_7687 IMG_7700

Sawir Qaade: Farxaan Saleebaan Daahir

 

Previous Post

Director of National Institutional Capacity Development Department

Next Post

PUBLIC SECTOR CAPACITY INJECTION PROJECT , Call FOR JOB applications

Next Post

PUBLIC SECTOR CAPACITY INJECTION PROJECT , Call FOR JOB applications

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada Galmudug,...

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

Taliye Ibraahim Maxamed oo shir-guddoomiyay Shirka Taliska Guud ee CXDS

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka subaxlaha ee Taliska Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In