Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Bankiga Adduunka oo sheegay inuu dhaqaalaha Soomaaliya korayo 3-4 Boqolkiiba

admin by admin
8 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Bankiga Adduunka oo sheegay inuu dhaqaalaha Soomaaliya korayo 3-4 Boqolkiiba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in uu kordho heerka Sanadlaha ah qiyaas u dhexeeysa 3 iyo 4 Boqolkiiba, Bangiga Adduunka ayaa sidaasi ku sheegay warbixin uu soo saaray Khamiistii Shalay ahayd.

Bankiga Aduunka ayaa sheegay in dhaqaalaha Waddanku uu kor u kacay 2.3% Sannadkii 2017, halka uu 4.4 Boqolkiiba ahaa 2016-kii, taas oo muujineysa saameynta khasaaraha weyn ee kasoo gaadhay dhaqaalaha waxyeelladii ka dhalatay abaaraha, iyadoo saamaysay Xoolaha iyo wax soosaarka Beeraha iyo dhoofinta dalagga.

Warbixinta ayaa sheegtay in xaddiga dhoofinta Xoolaha nool oo ay Soomaalidu ku tiirsan tahay 70 % uu hoos u dhacay 75 %, iyadoo Sanaddii 2015 la dhoofiyay 5.3 Milyan oo Neef halka Sanaddii 2017-kiina la dhoofiyay oo qura 1.3 Milyan oo Neef.

John Randa, oo ah dhaqaaleyahan sare oo ka tirsan Baanka Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii waddo kobcinta dhaqaalaha maaliyadeed si ay u hesho maalgelin Dadweyne oo ku saabsan adeegyada aasaasiga ah.

“Si loo gaaro koboc sare oo xagga dhaqaalaha ah, Soomaaliya waxay u baahan tahay in la dedejiyo dib-u-habeynta qaab-dhismeedyada ilaha dhaqalaha iyo Canshuuraha iyo ” ayuu yiri Randa.

Warbixinta ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu si weyn u koray Sannadihii la soo dhaafay, isagoo weli u nugul dhibaatooyinka soo noqnoqda ee ka mid tahay Abaarta iyo musiibooyinka kale.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay war bixinta in Soomaaliya ay leedahay mid ka mid ah Suuqyada dhaqaale ee ugu badan adeegsiga Lacagaha lagu kala xawilo Mobile-ka marka la eego caalamka oo dhan , iyadoo uu xiriir fiican oo wax is weydaarsi ahna kala dhaxeeyo Waddamo badan oo Afrika ah.

Bankiga Aduunka ayaa sheegay in qiyaastii Bil walba laysugu gudbiyo Taleefannada Gacanta Lacag gaareysa 2.7 Bilyan oo Doollar-ka Maraykanka ah.

Isha/ Agencies

Previous Post

Duufaanta Florence oo ku dhufatay Maraykanka gobalada Bariga

Next Post

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada XDS

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In