Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo werarkii ay khawaarijtu ku xasuuqday dad shacab ah oo ku caweynayay xeebta liido ayaa ka socodo xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin iyo boqullaal dhalinyarada Caasimadda oo ay qeyb kayihiin shaqaalaha dowladda ayaa ka qeyb galayo dibadbaxa kuwaa oo ka dhiidhiyay sida ay uga xunyihiin falkii cadawtinimada ahaa ee khawaarijtu ku xasuuqday dhallinyaro Soomaaliyeed oo Aan waxba galabsan kuna sugnaa xeebta liido ee Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Masuuliyiin katirsan dowladda ayaa ku sugan goobta uu ka socdo dibadbaxa kuwaa dhankooda muujiyay sida ay uga xunyihiin dhibaatada loo geysatay dhalinyarada soomaaliyeed,iyagoo dhalinta soomaaliyeed ugu baaqay inloo midoobo dagaalka khawaarijta.
Wasiirkaa dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliyeed Maxamed Barre ayaa yiri “Haddii aan nahay mas’uuliyiinta Dowladda waxaan la dareen nahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka dhiidhinaya ficilada Khawaarijta”.
Wasiir dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xirsi Gaani ayaa sheegay in ay gabaabsi iyo naf bax ay marayaan khawaarijtu,geesiyaasha xooggana ay soo afjari doonaa goor dhaw.
Wasiir Gaani”Ciidamada geesiyaasha ah waxa ay diyaar u yihiin in ay furimaha ku ciqaabaan kuwa shacabkeenna xasuuqaya”.
Guddoomiyaha Hay’adda SODMA Maxamuud Macallinoo goobta dibadbaxa ka hadlay ayaa yiri “Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan arxan darrada Khawaarijta”.
Habeenimadii jimcaha aya ahayd markii dhagarqabayaal karisan khawaarijtu ay werareen dad shacb ah oo xiligaa ku caweynayay xeebta liido,iydoo ay halkaa ku ay shahiideen in kabada 30- dhalinyara ah kuna dhaawacmeen ku dhawaad 60-dan kale oo ahaa dhilinyaro si dareen la’aan ah ugu caweynayay xeebta liido ee Magaalada Muqdisho