Dagaalka ka socoda magaalada Mosul ee dalka Ciraaq ayaa sababay in qeybo ka mid ah magaaladaasi ay biyahii ka go’aan siiba qeybta Bariga halkaaoo oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qof kuwaa oo la sheegay inay ku haysato haraad ba’n.
Dhibaatada biya la’aanta ah ee la soo gudboonaatay Ciraaqiyiinta weli ku harsan bariga Magaalada Mousul ayaa la sheegayaa inay ka dhalatay dagaalka ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Dowladda Ciraaq iyo kuwa kooxda xaqjirka ah ee Daacish oo weli ku dagaalmaya qeybo ka mid ah gudaha Xaafadaha magaalada Mousul.
In ka badan 600 kun oo qof oo ku nool Bariga magaalada Halab ayaa la sheegay inay iminka la soo derestay xaalada bani’aadanimo oo aad u daran oo haraad ah, kadib markii sida la sheegay dhuumankii biyaha mari jiray ay waxyaallo ka soo gaartay rasaasta labada dhinac ee Ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka ay isweydaarsanayaan.
Ururada u dooda xuquuqul insaan ka ayaa ka digay inay halkaa ka dhalan karto xaalad bani’aadanimo tii ugu xumeyd hadii si deg deg ah aan arrintaasi wax looga qabanin.