Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey sharciga miisaaniyada 2020 oo ay soo gudbisey wasaarada maaliyadda Koofur-galbeed
kooramka maanta wuxuu ahaa 87 mudane waxaana cod gacan taag ah ay 84 mudane ku ansixiyeen sharciga miisaaniyada, 1 mudane ayaa diidey, 1 kalana wuu ka aamusey , halka 1 mudane oo kale aaney la ogeyn mowqif kiisa
Gudoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur-galbeed Soomaliya Dr Cali Siciid Fiqi ayaa ku dhawaaqay na tiijada maanta.
Inta aan la ansixin ka hor sharciga miisaaniyada waxaa jirey qaar ka mid ha mudanayaasha baarlamaanka oo su’aalooyin ka keeney sharciga miisaaniyada Masuuliyinta wasaaradda maaliyadda.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda Koofur-galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Xuseen ayaa ka jawaabayay su,aalaha laga keeney sharciga ay soo gudbisay wasaaradiisa.
Golaha wasiirada Dowlad –goboleedka Koofur-galbeed ayaa khamiistii lasii shaafay soo ansixiyay sharcigaan miisaaniyada iyadoo maantana ay baas gareeyern golaha wakiilada Dowlad –goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya