Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa in ay guda-galaan u coddeynta muushinka ka dhanka ah golaha wakiillada Maamulka KMG ee Jubba.
kulanka Xildhibaanada Barlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka socda xarunta golaha shacabka ee magaalada muqdisho ayaa lagu wadaa in ay u coddeeyaan meelmarinta golaha wakiillda maamula KMG ee jubba kaas oo maalmahaanba xildhibaanadu ay dood kulul ka yeelanayeen meelmarintooda.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mudanayaasha Barlamaanka ay u coddeen doonaan maanta meelmarinta golaha wakiillada maamulka jubba.
“Maanta oo sabti ah taariiqduna ay tahay 23’ka bisha may Barlamaanka waxa uu u coddeen doonaa golaha wakiillada maamulka KMG’ka jubba iyo Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka shaqaalaha shisheeye sida aad ka warqabtaan kulankii lixaad ee kala fadhigii lixaad ee qabsoomay 20 tankii bishii shanaad waxaa jirtay dood laga doodayay muushinkaan oo horay loo aqriyay maanta hadaan isbadal guddoonka Barlamaanka samayn waxaa loo codayn doonaa muushinkaan” sidaasi waxaa yiri Xildhibaan maxamed Cumar.