Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamij Loga Dodayay Hirgalinta Xeerka Saxaafada Soomaaliya Oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Barnaamij Loga Dodayay Hirgalinta Xeerka Saxaafada Soomaaliya Oo Nairobi Lagu Qabtay”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barnaamij looga doodayay Hirgelinta xeerka cusub ee Saxaafada Soomaaliya oo ay soo qaban qabisay Xarunta warbaahinta iyo wada hadalka ee (CMD) ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir ku xigeenkaย  wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiskaย  Cabdullaahi Colaad Rooble iyo Agaasimaha wakalada wararka soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al-cadaala,Xogahayaha guud ee xarunta CMD Cabdulahi Maxamed Xuseen Taajirow,gudoomiyaha ururka Suxufiyinta qurba joogta Somaliyeed ee SEJASS Saciid Xasan Anteeno iyo qaar kamid ah agaasimayaasha iyo Suxufiyiinta ku dhaqan dalkani kenya.

Bilowgii barnaamijka ayaa Agaasimaha wakalada wararka soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaala waxa uu sharaxaad ka bixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray xeerka cusub ee saxaafada Soomaliya iyo sida loogu baahanyahay in Suxufiyiinta Soomaliyeed ay uga qeyb qaataan Hirgelinta xeerkan.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

Wasiir ku xigeenka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa C/laahi Colaad Rooble iyo agaasimaha wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/raxmaan Yuusuf Shiikh Al-Cadaala ayaa waxa ay ka mid ahaayeen gudigii dib u eegista ku sameeyay xeerka saxaafada Soomaaliya.

โ€œXeerkani waxa uu xooga saarayaa sadax arrimood oo ay ka mid yihiin in suxufiga loo sameeyo shuruurc iyo astaan u gaar ah iyo sharci difaacayo qofka suxufi ah,hadii labada dhinac midkood uu xad gudbo halka loo noqonayo oo ah gudiga madaxa banaan ee la sameeynayoโ€Ayuu yiri agaasimaha wakaalada Wararka SONNA C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Barnaamikan dooda ahaa oo suxufiyiinta ku sugan Kenya loogu sharaxaya xeerka cusub ee saxaafada Soomaaliya ย ayaa sidoo kale waxa ay wariyayaasha ka dhiibteen Aragtidooda, iyagoona suโ€™aalo dhowr ah oo ku saabsan qodobada xeerka saxaafada weydiiyay wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha SONNA,iyagoona si kooban jawaabo uga bixiyay suโ€™aalihii ay weydiiyeen wariyaasha.

Wasiir ku xigeenkaย  wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble oo gabagabadii hadalo dar daaran ah u jeediyay suxifiyiinta,waxa nauu balan qaaday in wasaarada ay kala shaqeynayso suxufiyiinta wixii suura gal ah oo ku aadan sidii wax looga badali lahaa qodobada ku qoran xeerka saxaafada.

โ€œAayad quran ah ma ahan xeerka oo aan waxba laga badali Karin,waxayna ku xirantahay masโ€™uuliyiinta howsha gacanta ku heyso,hadii ย ay saxufiyiintu wax suurta gal ah sheegaan wasaarada waxay ka shaqeynaysaa sidii wax looga qaban lahaaโ€Ayuu yiri wasiirka ku xigeenka Warfaafinta C/laahi Colaad Rooble.

Xeerkan cusub ee Saxaafada Soomaaliya oo heerar kala duwan soo maray,isla markaana bishii Janaayo ee sanadkan uu saxiixay madaxweynaha jamhuuriyada Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxaaย  sidii loo hir galin lahaa ka dooday Suxufiyiiinta ku dhaqan Kenya.

IMG_5403 IMG_5424 IMG_5426 IMG_5428 IMG_5432 IMG_5433 IMG_5434 IMG_5436 IMG_5437 IMG_5440 IMG_5443 IMG_5445 IMG_5449 IMG_5450 IMG_5454 IMG_5455 IMG_5457 IMG_5462 IMG_5479 IMG_5483 IMG_5496 IMG_5499 IMG_5501 IMG_5502 IMG_5527 IMG_5530 IMG_5537

Sawir qaade:- Cabdulqadir Cali Xuseen Koronto

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Baay oo ku baaqay in laga qeyb qaato dhismaha danta guud

Next Post

Xuska Maalinta biyaha oo lagu qabtay Caabudwaaq

Next Post
Xuska Maalinta biyaha oo lagu qabtay Caabudwaaq

Xuska Maalinta biyaha oo lagu qabtay Caabudwaaq

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐š๐ซ๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐› ๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ค๐š ๐Ÿ”๐Ÿ“-๐†๐ฎ๐ฎ๐ซ๐š๐๐š ๐—๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐ฅ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š

December 16, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFSโ€

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In