Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP) Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa ka qeybgalay shir farsamo qaaradeed kaasoo lagu qabtay magaalada Windhoek ee dalka Namibia.
Shirkaan oo diiradda lagu saaray qaab dhismeedka natiijooyinka iyo tilmaamayaasha dib u eegista labadii sano mar ee barnaamijka (CAADP). Shirkaan oo ay soo qabanqaabiyeen African Union Commission iyo African Union Development Agency ayaa ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo nidaamka kormeerka, qiimeynta iyo isla xisaabtanka si loo horumariyo wax soosaarka beeraha iyo sugnaanta cuntada ee qaaradda Afrika.
Sanadihii danbe Soomaaliya waxay muujisay horumar muuqda kuna aadan hirgelinta ajandaha CAADP, waxaana si rasmi ah loogu gudoonsiiyay CAADP Best Performance Award ee Afrika, taasoo ka tarjumaysa dadaallada dalka uu gaaray kaasoo lagu horumarinayo beeraha, kor u qaadista wax soosaarka iyo xoojinta sugnaanta cuntada.
Shirkaan ayaa la filayaa inuu horseedo qaab mideysan oo lagu cabiro horumarka beeraha ee qaaradda, iyadoo la dejinaayo tilmaamayaal iyo qorshe hawleed cad oo dalalka Afrika ay ku hirgelin doonaan istaraatiijiyadda CAADP ee sannadaha 2026–2035, si loo xoojiyo wax soosaarka cuntada iyo adkeysiga nidaamyada beeraha ee Afrika.











