Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun ilaa 10-ka Luulyo 2026, kana koobnaa saddex qaybood: qaybta koowaad oo lagu qabtay Kigali (Rwanda), qaybta labaad oo lagu qabtay hab fogaan arag ah, iyo qaybta saddexaad oo lagu qabtay dalka Singapore.

Barnaamijkan oo sannadle ah, isla markaana ay hormuud ka tahay hay’adda Chandler Governance Group (Singapore) iyadoo kaashanaysa African Association for Public Administration and Management (AAPAM) iyo Africa School of Governance (ASG), ayaa isu keenay hoggaamiyeyaal iyo saraakiil sare oo ka kala socday dalal badan oo Afrika ah si ay u qayb galaan aqoon isweydaarsi la xiriira hoggaanka, dowlad-wanaagga iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo uu hogaaminayo ku xigeenka xoog hayaha joogtada ah Mudane Abdirizak Ibrahim, ayaa ka qayb galay doodaha iyo barashada mawduucyo ay ka mid yihiin hoggaaminta isbeddelka, dowlad wanaagga, dowladnimada danabaysan, qorsheynta istaraatiijiga ah, dhismaha dhaqaale mug leh, hal-abuurka adeegga dadweynaha iyo iskaashiga dowladda iyo daneeyayaasha kala duwan.

Ka-qaybgalka barnaamijkan wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo awoodda hoggaanka, casriyeynta maamulka dowladda iyo horumarinta adeegga dadweynaha, si loo taabagaliyo hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (National Transformation Plan – NTP) iyo hiigsiga dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan, awood leh, isla markaana si wax-ku-ool ah ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Shirweynaha Dhaqaalaha Afrika

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In