Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha Caalamka oo Soomaaliya ka taageereyso la dagaallanka Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ciidanka gaarka ah ee DANAB  oo Howlgalo ka sameeyey qeybo kamid ah Gobollada Jubbooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Beesha Caalamka oo isku raacay in dowladda Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Wakiilo ka kala socda dalalka Qatar, Soomaaliya,Turkey, Imaaraadka Carabta, UK iyo Maraykanka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, iyagoo ka wada hadlay arrimaha amniga, dowlad-dhisidda, horumarinta iyo mudnaansiinta arrimaha bini’aadantinimo.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026

Saaxiibada caalamka waxay muujiyeen taageerada dowladda federaalka ee Soomaaliya, taas oo diiradda lagu saarayo la-dagaallanka argagixisada iyo kobcinta awoodda.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay sidii Soomaaliya loo xoojin lahaa taageerada dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab iyo u diyaar garowga ka bixitaanka howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee Soomaaliya.

Wakiillada ayaa isku raacay in la xoojiyo isku xirka kaalmada amniga caalamiga ah, muhiimadda ay leedahay in la hubiyo in waqtiga ku habboon ee gargaarka la gaarsiiyo goobaha la xoreeyey.

Waxay go’aansadeen inay taageeraan dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku doonayso inay buuxiso halbeegyada maamulka hubka iyo rasaasta si golaha ammaanka uga qaado cunaqabateynta hubka.

Beesha caalamka ayaa taageertay geeddi-socodka golaha wadatashiga Qaran ee Soomaaliya (NCC) ee horumarinta dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo dhammaystirka dastuurka.

Sidoo kale, shirkan ayaa walaac looga muujiyey colaadda ka socota Laascaanood iyo nawaaxigeeda, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada in ay u hoggaansamaan xabbad-joojinta, ayna ogolaadaan gargaarka bani’aadamnimo oo aan la carqaladayn, miiska wada-hadalkana lagu dhammeeyo xalinta colaadda.

Kulanka ayaa sidoo kale, lagu muujiyey walaaca laga qabo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka dhashay abaarihii ugu darnaa ee Soomaaliya soo mara, iyagoo soo dhaweeyey taageerada caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha deg degga ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda Soomaaliya u leedahay inay u adkaysato isbedelka cimilada.

Ugu dambeyntii, beesha caalamka ayaa ku heshiisay in ay sii wadaan taageerada Soomaaliya, la isuguna yimaado kulan kale oo ka dhaca magaalada Doha ee dalka Qatar, saddexda bilood ee soo socota, si loo wada-hadlo, looguna qiimeeyo horumarka socd

Previous Post

RW ku-xigeenka dalka oo daah furay shirka horumarinta biyaha

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Kismaayo "SAWIRRO"

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In