Sunday, March 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliiska Canada oo qabtay Muscab C/raxmaan oo lagu eedeeyay dilka laba gabdhood oo Soomaali ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Booliiska Canada oo qabtay Muscab C/raxmaan oo lagu eedeeyay dilka laba gabdhood oo Soomaali ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booliska Dalka Canada ayaa gacanta ku dhigay Muscab C/raxmaan Axmed Nuur oo ay ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay dilka laba Gabdhood oo Soomaali ah, kuwaas oo Jimcihii lagu dilay Gurigooda uu ku yaala Magaalada Ottawa ee Dalkaasi.

Muscab C/raxmaan Axmed Nuur, ayay sheegeen Booliska inuu la dhashay Gabdhaha uu dilay, balse ma aysan caddeyn Booliska ilaa hadda sababta ka dambeysay dilka Gabdhahaasi, sidoo kale Booliska ayaa sheegay in Muscab uu is adkeeyay markii ay qabanayeen kuna qabteen meel u dhow gurigooda oo uu dilka ka geystay, waxaana ay intaasi ku dareen in uu dhaawac yar soo gaaray lana dhigay isbitaal.

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026

Muscab ayaa shalay oo Axad ahayd diiday in uu tago Maxkamadda,waxaana isaga oo ka maqan ay Maxkamadda ku xukuntay xeerarka 1aad iyo 2aad ee Dalkaasi oo ah Dilka.

Maxkamadda Dalka Canada ayaa soo jeedisay in Muscab lagu sameeyo baaritaan dhanka Maskaxda ah,waxaana ay wararku sheegayaan in uu dhimirka la’yahay.

Labada Gabdhood ee Soomaalida ah ee Jimcihii la dilay, ayaa aas loogu sameeyay Magaalada Ottawa ee dalka Canada, iyadoo Soomaalida ku nool dalkaasi ka qaybgaleen aaskaasi.

aas aas1 aas-640x480

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Taliyaha ciidanka booliska oo hambalyo u diray booliska Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha ciidanka booliska oo hambalyo u diray booliska Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Taliyaha ciidanka booliska oo hambalyo u diray booliska Soomaaliyeed "SAWIRRO"

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Shirka Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

March 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kaga qayb galay, magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Meertada 25-aad ee...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo daah-furtay Bandhigga Ganacsiga Haweenka

March 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa galabta magaalada Muqdisho si ramsi...

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale oo dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Gorgor

March 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In