Friday, March 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dadweyne farabadan oo maanta ku ciiday deegaanka Daaru-salaam ee Muqdisho+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dadweyne farabadan  oo maanta ku ciiday deegaanka Daaru-salaam ee Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo maanta loo dabaal degay maalintii kowaad ee munaasabadda ciidul Adhxa ayaa shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho ku gutay damaashaadka farxaddooda ciidda qaar kavmid ah goobaha loo dalxiistago oo laga hirgeliyay Muqdisho.

Boqollaal dadweyne ah ayaa lagu arkayay fagaarayaasha ku yaal deegaanka Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu marxabbeynayay kulla caam wa antum bikhayre Ciidwanaagsna iyo ereyo kale iyadoo bulshada qaar la mid ah ayhambalyada ciidda isugu dirayeen  farrimaha telefoonnada .

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026

Waxa halkaasi laga hirgeliyay goobo lagu nasto,meelo caruurtu ay ku cayaaraan,waxaana si fudud indhahaagu ku soo jiidanayan isdhexgalka bulsho ee halkaasi kajira,taasi oo muujinaysa in shacabka Muqdisho ay ugu taamayaan nabadda iyo horumarka.

Maxamed Maxamuud Cali oo ah maamulaha adeegga guud ee deegaankaasi ayaa sheegay in hadafkoodi uu yahay in bulshada dhanka horumarka loo jeheeyo.

“Daarusaalaam  waa meel loogu talagalay meel caruurtu ay ku ciyaarto,si caruurta maskaxdooda ay u korto,islamarkaana ay isla qabsadaan caruurta iyo waalidiintooda,waxaa yaalaa qalab farabadan oo loogu talagalay in caruurtaasi maskaxdoodi lagu koriyo,marka waxaan rabnaa in caruurta si farxad leh ay wax ku bartaan,maadaama maskaxdooda ay dhismayso,bulshada Soomaaliyeedna waan uga mahadcelinaynaa sida ay uga qeyb qaadanayan damaashaadka beerta Daaruslaam”. Ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cali.

Qaar kamid ah dadweynihi u damashaad tagay beertaasi ayaa dareenkooda ku muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay helaan meel ay si farxad leh ugu damaashadaan,dadka ayaa laga dheehan karay shucuurtooda in caasimaddu ay ku talaabsanayso horumar dhinacyo kaladuwan leh.

Deegaanka Daarusalaam oo ka kooban ilaa 6 xaafadood ayaa waxaa laga hirgeliayay adeegyada kaladuwan ee bulshada,iyadoo taasi ay qeyb ka tahay howlaha maalgashi ee Muqdisho ka socda.

Marka laga so tago daarusalaam waxaa jira goobo kale oo loo dalxiistago sida Liido,Jasiira,iyo meelo kale oo kamid ah caasimadda,sanadihii ugu dambeeyeyna waxaa kajira Muqdisho horumaro maalgashi,taasi oo ku timid isbedelka dhanka amniga ah ee kajira Muqdisho.

Previous Post

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarummo caafimaad, qalabna gaarsiiyay Isbitaalka Madiina+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarummo caafimaad, qalabna gaarsiiyay Isbitaalka Madiina+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarummo caafimaad, qalabna gaarsiiyay Isbitaalka Madiina+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In