Monday, November 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

November 17, 2025
Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

November 17, 2025

“Ilaahay ha inaga aqbalo soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, Inagoo ka faa’ideysaneyna munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Soomaalida ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaansho si gaar ah Bulshada Reer Hirshabelle waxaan Ugu baaqayaa in ay Ka digtoonaadaan dagaalada macnaha aan laheyn Oo LA xiriira qabiilka maalin walbo in dhiig loo daadiyo dagaalo qabiil ma ahan mid Ka turjumeysa hiigsiga aan hiigsaneyno, waxaan Ku baaqayaa in LA joojiyo dagaal beeleedyada Ku soo noq noqday deegaanada Hirshabelle” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.

Dr Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Hirshabelle  Ayaa si gaar ah Ugu  hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee  Ka howlgala Deegaannada Hirshabelle ee  habeen Iyo maalin u taagan u qidmeynta bulshada iyo xaqiijinta Amniga, sidoo kale ciidamada dagaalada kula jira kooxda argagaxisada Al shabaab Oo muujinaya geesinimo iyo dhalinyarada deegaanka Oo kooxdaasi kula dagaalamaya, Deegaanno Ka tirsan Hirshabelle ayuu sidoo kale madaxweynaha Dhambaal hambalyo u Diray.

Mudane Waare ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed  Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan , nabad, horumar ,barwaaqo iyo midnimo.

Previous Post

DAAWO: Madaxweynaha JFS Soomaaliya oo saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof oo shacab ah Masjidka Isbahaysiga Islaamka

Next Post

Dadweyne farabadan oo maanta ku ciiday deegaanka Daaru-salaam ee Muqdisho+Sawirro

Next Post
Dadweyne farabadan  oo maanta ku ciiday deegaanka Daaru-salaam ee Muqdisho+Sawirro

Dadweyne farabadan oo maanta ku ciiday deegaanka Daaru-salaam ee Muqdisho+Sawirro

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

November 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo “Ilaalinta...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

November 17, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay na-waaxiga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

November 17, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Faysal Aadan Xasan, ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in la qabanayo Shirweynaha...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

November 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka oo maalintii 3aad ku gudajira soo bandhigidda soojeedinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In