Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Boqorka Sacuudiga oo isbedel Taariikhi ah ku sameeyay nidaamka dhaxal tooyada Sacuudi Carabiya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Boqorka Sacuudiga oo isbedel Taariikhi ah ku sameeyay nidaamka dhaxal tooyada Sacuudi Carabiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boqor Salman  ayaa shaqadi ka ceyriyay walaakiiisa ka yar ee ay isku hooyada yihin, kaas oo ahaa dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, isagoo u magacaabay wiilka uu adeerka u yahay  ee Maxamed Bin Neyef oo ah Ra’iisul wsaare ku-xigeenka dalka, Wiilkaan ayaa noqonaya dhaxal sugaha Sacuudiga.

Arrintaan ayaa lagu shaaciyay wareegto laga aqriyay TV-ga dowladda Sucuudiga.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

“Waa isbeddel aad u weyn oo taariikhi ah oo ka dhacaya dalka Sacuudiga, sababto ah tani waa markii ugu horreysay oo wiil uu awoowo u yahay aasaasaha Sacuudiga in dalka uu ka noqdo dhaxal sugaha boqortooyada, iyada oo  markii hore kaliya wiilsha uu dhalay Boqor Sacuud in ay dalka soo maamulayeen.

Boqor Salmaan ayaa  sidoo kale Wasiirka arimaha dibaddau magacaabay  Sacuud Al-Faysal oo lagu bedlay  Safiirka Sacuudiga ee Mareykanka.

Khilal Jahshaan oo ah  agaasimaha  xarunta carabta ee Washington   oo la hadlay Al-jazeera  ayaa isbedelkaan ku tilmaamay mid dhul gariir siyaaseed ah.

“Tani waa jawaab muhiim ah oo uu bixiyay boqor Salmaan iyada oo dad badan ay shaki ka muujinayeen caafimaadka boqorka tan iyo markii boqorku uu awoodda la wareegay.

Adbel Aljubeer oo ahaa safiirka Sacuudiga ee Mareykanka ayaa sidoo kale loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Faysal oo muddo dheer shaqeynayay ayaa xilka laga qaaday sababo caafimaadkiisa la xariira, waxa uuna noqon doonaa la taliyaha iyo ergayga gaarka ah ee Boqor Salman iyo kormeeraha guud ee arrimaha dibadda.

Feysal ayaa la magacaaby sanakii 1975, waxa uuna noqday wasiirkii ugu muddada dheeraa ee arrimaha dibadda ee caalamka.

Waa isbedel weyn oo uu sameeyo boqorku tan iyo markii bishii Januaray uu xilka la wareegay kaddib markii uu geeriyoooday walaalkiisa oo xilka boqortinimada hayay.

Bishii la soo dhaafay ayaa loo dhariyay wasiirka arrimaha dibadda ka dib markii boqorku uu xilal kala wareejin ku sameeyay dowlddiisa, hase ahaatee dhowr ruux oo  waayo arag ah uu xilkooda u daayay.

Maxamed Bin Nayef Bin Abdulcasiis Al-sacud waxa uu dhashay 30-kii  bishii August 1959, waxa uu ahaa ku xigeenka labaad ee Ra’iisul wasaaraha ahan wasiirka arrimaha gudaha ee Sacuudiga, waxaa uu hayay xilka guddomiyaha golaha siyaasadda iyo arrimaha  ammaanka.

Waxa uu safka kowaad kaga jiraa carruurta uu awoowaha u ahaa aasaasihii Sacuudiga, waana xubin ka tirsan aqalka Sacuud,  waxaana adeer u ah boqorka hadda ee boqor Salman bin Abdulazis.

Ninkaan loo magacaabay dhaxal sugaha boqotoyada Sacuudiga, waxa uu ku dhashay magaalada Jidda, waxa uuna wax ku soo bartay dalka Mareykanka, inastoo uusan dhameysan waxbrashadiisa,  waxa uu ka qeyb galay tabar FBI Mareykanku bixisay intii u dhexeysay 1985 ilaa 1988,  waxa uu qaatay tababar la xariira ka hortagga argagaxisada.

Maxamed Bin Neyef waxaa sanadkii 1999-kii loo magacaabay kaaliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee Sacuudiga, xiligaas uu ahaa nin ganacsade ah,  waxaa aad loogu ammaana guulihii uu ka sameeyay ka hortagga argagaxisada.

 

 

Previous Post

Shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud oo laga taageeray Sweden

Next Post

Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Ceelasha biyaha “SAWIRRO”

Next Post
Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Ceelasha biyaha “SAWIRRO”

Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo laga sameeyay Ceelasha biyaha “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In