Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bur burin lagu sameeyay dhul si sharci darro ah looga deganaa Muwaadin Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Goobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah ugu yaalla Waddada Maka Al-mukarama oo la bur buriyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Benaadir ayaa maanta howlo bur burin ah ku sameeyay guryo si sharci darro ah looga dhistay dhul uu iska lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo ay Maxkamaddu amartay in dib loogu celiyo dhulkiisa.

Howlahan bur burinta oo laga fuliyay dhul ka kooban 16 boos oo ay si sharci darro ay u deganaayeen qoysas, kuna yaalay Waaxda Tawakal ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ka sameeyay ciidamada amniga dowladda, kuwaasi oo ku guuleystay in ay bur buriyaan dhismayaasha laga dhistay dhulka ay Maxkamadda u sharciyeysay muwaadinkii iska lahaa, kaddin markii guddiga qilaafaadka iyo Garsoorka ee Gobolka ay Maxkamadda horgeeyeen caddeymo muujinaya in muwaadinka uu dhulka isla leeyahay.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Maxkamadda Sare ee JFS oo ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir

March 28, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo si adag u uga hadashay is doorashada sharci darrada ah ee ka dhacday Baydhabo

March 28, 2026

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cismaan Maxamuud Cadaawe ayaa sheegay in dadkii deganaa dhulkaasi horey loogu qabtay muddo 20 cisho ay in ay kaga guuraan, ayn ku ekeyd shalay oo Isniin ah, taasina ay keentay in ay maanta bilaabaahan howlaha lagu bur burinayo dhismoyaasha sharci darrada ah, isagoo warqadihii lahaanshiyaha dhulka ku wareejiyay wiil uu dhalay muwaadinkii dhulka iska lahaa.

Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inaysan jiri doonin cid si xoog ah looga haysan karo dhul uu iska leeyahay, isagoo ka digay in si sharci darro ah lagu dhisto dhulal ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.
Wiil uu dhalay Muwaadinkii iska lahaa dhulka dib loogu celiyay oo hadal kooban Warbaahinta Qaranka siiyay ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka iyo kan degmada sida ay dib ugu soo celiyeen dhulkii ay sida sahrciga ah ku leeyihiin oo muddo si sharci darro ah looga haystay.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa bilihii la soo dhaafay waday in uu dib hantida ma guurta ah ugu celiyo muwaadiniintii iska lahaa, kaddib markii guddiga qilaafaadka iyo Garsoorka ee Gobolka uu arrimahaasi xaliyay.

Previous Post

Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Serbia ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Kobcinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray “SAWIRRO”

Next Post
Kobcinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray “SAWIRRO”

Kobcinta dhaqaalaha caasimadda oo laga shiray "SAWIRRO"

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Maxkamadda Sare ee JFS oo ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir

March 28, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kama dambeys ah u ansixisay natiijada doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir, oo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya oo si adag u uga hadashay is doorashada sharci darrada ah ee ka dhacday Baydhabo

March 28, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa is doorashada sharci darrada ah ee maanta lagu qabtay magaalada Baydhaba, taas...

Wafdi ka socday Turkiga oo booqasho ku tegay Dekadda Muqdisho

Wafdi ka socday Turkiga oo booqasho ku tegay Dekadda Muqdisho

March 28, 2026
0

Wafdi ka socday shirkadda Akkon Lines ee dalka Türkiye ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Dekedda Magaalada Muqdisho, waxaana...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loo gudbiyay Warbixinta Wasaaradda Gaadiidka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loo gudbiyay Warbixinta Wasaaradda Gaadiidka

March 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa warbixin uga dhagaystay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In