Monday, August 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Burcad badeed Soomaali ah oo Faransiiska lagu xukumay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Burcad badeed xeebaha Soomaaliya ka qabsatay laba Markab oo laga leeyahay dalka Iran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Todobo dhalinyaro Soomaali ah ayaa maxkamadda ku taala dalka France, waxaa ay ku xukuntay xabsi u dhaxeeya lix ilaa 15 sano maalintii Arbacadii kadib markii lagu heley dambi ah dil iyo afduub oo dhacay sanadkii 2011 gacanta Cadmeed.

Farxaan C/salaam Xasan iyo Axmed C/laahi, ayaa lagu xukumay muddo 15 sano ah maadaama maxkamaddu ay sheegtay in ragan ay ahaayeen hogaamiyeyaasha kooxdan, halka Farxaan Maxamuud Abshir lagu riday xukun ah lix sano isla markaana xanuun dhanka maskaxda ah la soo derisay mudadii uu xirnaa sida laga soo xigtay qareenkiisa.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026

Christian iyo Evelyne Colombo oo ahaa lamaane u dhashay dalka France, waxaa ay ku guda jireen socdaa dhanka badda ah oo ay aduunka oo dhan ku marayeen ayagoo kooxo burcad badeed ah ay ka afduubeen badda cas sanadkii 2011.

Christian ayay dileen kooxdii kadibna badda ayay ku tureen, waxayna kaxaysteen haweeneydii taas oo ay heysteen muddo 48 saac ah ka hor inta aan si qasab ah kaga soo furanin ciidanka militiriga dalka Spain oo qeybta ka ah howlgalka midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya.

Ciidanka dalka Spain, ayaa todobadan nin waxaa ay ku wareejiyeen dowladd France.

“Way adag tahay in la fahmo sababta ay maxkamadu go’aankan u gaartay iyo waxa ku dhiirigeliyay, 15 sano waa xukun culus,” ayuu yiri  Augustin d’Ollone, oo ah qareenka  Cabbdullahi.

Qoyska Colombo, waxaa ay sheegeen in xukunkan uusan aheyd mid si cadaalad ah u dhacay maadaama sida ay aaminsan yihiin xukunka loo khafiifiyay kooxdan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee loo heystay burcad badeednimada ayaa maxkamadda ka codsaday in la cafiyo maadaama wadanka Soomaaliya ay sheegeen in aysn ka jirin fursado shaqo oo ay dhalinayarada nolashooda ay ku maareeyaan.

Iyadoo qareenada u doodayay dhalinyaradan Soomaaliyeedna ay sheegeen in sababta ku kaliftay in ay noqdaan burcad badeed ay tahay dhibaatada mudada dheer ka jirtay Soomaaliya.

Xukunka ay maxkamadu ku riday dhalinayarada ayaa laga jari doonaa mudadii ay ku jireen xabsiga taas oo ka dhigan in kuwo lagu xukumay lixda sano ay hadda ugu harsan tahay xukunkooda hal sano oo kali ah.

Falalka burcad badeednimada ah ayaa hoos u dhacay kadib markii ciidanka la dagaalanka burcad badeeda ee midowga Yurub howlgal ka bileebeen xeebaha Soomaaliya ee loo yaqaano “Atanate”, waxayna howlgalku sheegay in sadexdii sano ee la soo dhaafay in aysan dhicin wax weerar ah oo lagu qaaday markab marka loo barbardhigo sanadkii 2010 oo 47 weerar ay geysteen kooxaha burcad badeeda.

 

 

Previous Post

Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis iskaashi wada gaaray-Sawirro

Next Post

Shir weynaha dalalka Islaamka oo looga hadlay arrimo ay Soomaaliya ka mid tahay

Next Post
Shir weynaha dalalka Islaamka oo looga hadlay arrimo ay Soomaaliya ka mid tahay

Shir weynaha dalalka Islaamka oo looga hadlay arrimo ay Soomaaliya ka mid tahay

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka oo kulan la qaatay xubnaha beesha caalamka

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa kulan xogsiin ah la qaatay xubnaha beesha...

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho oo soo dhaweeyay Kalluumeysato dhoofiya Kalluunka

August 10, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa maanta Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Shirkada Marina Seafood...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo U Hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Golaha Shacabka

August 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday ansixinta qorshe-hawleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare

August 10, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cali Shacbaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In