Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis iskaashi wada gaaray-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiis iskaashi wada gaaray-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan, Field Marshal Cumer Xassan Axmed Al-Bashir ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee dalka Suudaan.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal , iyagoo ku heshiiyay dhismaha guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona arrimahaasi.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Iskaashiga labada dal ay xoojinayaan ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga amniga, dhaqanka, waxbarashada, tayeynta laamaha dowladnimo ee Soomaaliya iyo kuwo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne Al Bashir , shacabka iyo dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen SoomaaliyaΒ Β xilligii burburka, iyo waqtigan la joogaba, isagoo ka codsadey in la sii wado taageeradaasi.

Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya ay sannadkan ka dhacayaan doorashooyin , taasina ay ka marag kaceyso, horumarka laga sameeyay dhanka dowlad dhisidda, baahinta maamulka iyo in shacabku yeesho codka ay ku soo dooranayaan hoggaankooda.

Madaxweyne Al-Bashir, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isagoo sheegay in Suudaan ay taageeradeeda Soomaaliya sii wadeyso ilamaa ay Soomaaliya dib cagaheeda isu taageyso.

Waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu dhowaan arkoΒ Soomaaliya ooΒ Β si buuxda amnigeeda ula wareegta, taasina ay dhabbada u xaari doono horumarka dalka.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale xusay inay doonayaan in labadooda dal ayΒ Β tusaale u noqdaan gobolka, kana shaqeeyaan horumarka, xasiloonida iyo amniga.

DSC03037

1 2 3

Sawir Qaade: Yuusuf Kashmiir oo Suudaan jooga

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Burcad badeed Soomaali ah oo Faransiiska lagu xukumay

Next Post
Burcad badeed xeebaha Soomaaliya ka qabsatay laba Markab oo laga leeyahay dalka Iran

Burcad badeed Soomaali ah oo Faransiiska lagu xukumay

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In