Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DEG DEG: Cabdirashiid Janan iyo dowladda oo heshiis gaaray maanta +Sawirro

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
DEG DEG: Cabdirashiid Janan iyo dowladda oo heshiis gaaray maanta +Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Cumar, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya heshiis la gaartay wasiir Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, ka dib markii maanta wefdiga ka socda dowladda Soomaaliya gaareen gobolka Gedo.

“Wasiir Cabdirashiid Janan oo muhiim u ah nabadda gobolka Gedo ayaa heshiis la gaaray dowladda Soomaaliya… wuxuu ku yimid garasho uu wasiirku gartay in uu u hiiliyo qarannimada iyo dadaal ay bixisay dowladdu,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026

Sidoo kale, wasiir ku xigeenka warfaafinta waxaa uu intaas ku daray in wasiir Janan ay kula kulmeen duleedka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo isagoo wata ciidan badan kuwaas oo lagu biirin doono ciidanka qaranka.

“Talaabadan waa mid ka farxinaysa qofkasta oo jecel qarannimada Soomaaliyeed, waxayna ka nixinaysaa cidkasta oo caddaw ku ah qarankeena,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagebeeyay.

Qeybo kamid ah gobolka Gedo maanta waxaa ka dhacay banaan bax lagu soo dhaweynayo heshiiska Cabdirashiid Janaan iyo xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku gaareen isla gobolkaas.

Previous Post

Jabuuti iyo Sacuudi oo kawada hadlay iskaashiga labada dal

Next Post

Wiil 17 sano jir ah oo ka soo goostay Alshabaab

Next Post
Wiil 17 sano jir ah oo ka soo goostay Alshabaab

Wiil 17 sano jir ah oo ka soo goostay Alshabaab

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In