Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka Raadiyahaa

Cabdul xamiid Abaa Cuud oo la sheegay in uu ka danbeeyey Weerarkii Paris.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka Raadiyahaa
0
Cabdul xamiid Abaa Cuud oo la sheegay in uu ka danbeeyey Weerarkii Paris.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warar laga helayo Booliiska la dagaalanka Argagaxisada Beljum ayaa ogaatey fursad lagu qaban lahaa ninkii hogaaminayay weerarradii Paris xilli uu  ku sugnaa caasimadda Giriiga ay fashilantay.

Ilo wareedyo ka tirsan booliska argagixisa la dagaalanka Belgium ayaa sheegay in howlgalka Athens ee lagu bartilmaameedsanayay Abaa-Cuud, lagu waday inuu dhaco ka hor howlgal ay booliska ka fuliyeen magaalada Verviers ee Belgium, balse ay wax isdaba mareen.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

Wasiirka Gaashaandhigga oo Hambalyo u Diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasabadda 65-Guurada Aasaaskooda

April 12, 2025
Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

Dowladda Aljeeriya oo soo badbaadisay tahriibeyaal Soomaaliyeed

April 12, 2025

Cabdulxamiid Abaa-Cuud ayaa isaga oo jooga Athens taleefanka ku hagayay koox mintidiin ah oo ku sugan gudaha Belgium.

Lama oga sababta iyo qaabka uu Abaa-Cuud kaga baxsaday laamaha ammaanka ee Giriiga. Dowladda Giriiga ayaan ka hadlin macluumaadka howlgalkaasi.

Cabdulxamiid Abaa-Cuud oo lagu dilay duleedka Paris ayaa la sheegay inuu ahaa ninka hagayay kooxdii fuliyay weerarradii caasimadaasi ka dhacay 13-kii November ee ay ku dhinteen 130-ka qof.

Salah Abdeslam oo ah nin loo doondoonayo inuu ku lug lahaa weerarradii Paris ka dhacay ayaa sidoo kale soo maray dalka Giriiga, asaga oo dooni kaga soo galay Talyaaniga.

Sidoo kale lama ka mid ah raggii isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Stade de France ayaa soo maray jasiiradda Leros ee Giriiga, ayaga oo qaxooti ahaan dooni kaga soo raacay Turkiga.

Macluumaadkan hadda soo baxay ayaa su’aal gelinaya wada shaqeynta laamaha argagixisa la dagaallanka ee dalalka Yurub.

Waxaa suuragal ah in haddii Cabdulxamiid Abaa-Cuud lagu qaban lahaa Athens bishii January, ay taasi keeni lahayd in laga badbaado weerarradii ka dhacay Paris.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax e Raadiyo Muqdisho

Next Post

Taalibaanka ayaa weeraray Saldhig Milatari e garoonka Dayuuradaha Kandahar

Next Post
Taalibaanka ayaa weeraray Saldhig Milatari e garoonka Dayuuradaha Kandahar

Taalibaanka ayaa weeraray Saldhig Milatari e garoonka Dayuuradaha Kandahar

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In