Xanuunkan ayaa la xaqiijiyey in uu ka dilacay dalalka Kanada, Faransiiska iyo Mareykanka, saraakiil caafimaad ayaa sheegay in Xanuunkan uu isu beddelo cudur faafo oo aan ku ekaan doonin dal qur ah.
Mas’uuliyiinta Canada ayaa Jimcihii shalay xaqiijiyay in baaritaano kala duwan oo laga sameeyay gobalada dalkaas laga helay kiisas gaaraya 149, kiis oo cudurka Busbus Daayeerada ah.
Sargaal ka tirsan Wakaaladda Caafimaadka Canada, ayaa shir jaraa’id uu qabtay Jimcihii shalay ku sheegay in ay ka walaacsan yihiin soo bixitaanka kiisaskan cusub ee ku saabsan xanuunka Busbus Daayeerada.
Wakaaladda Caafimaadka Canada ayaa xaqiijiyay in faafitaanka cudurkan uusan ku koobnaan doonin Dal ama deegaan gaar ah.
Sidokale, mas’uuliyiinta caafimaadka Faransiiska ayaa ku dhawaaqay shalay helitaanka 51 xaaladood oo Busbuska Daayeer ah.