Saturday, May 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Chelsea,Manchester City iyo West Bromwich oo Badiyay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 13, 2014
in Ciyaaraha
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge 2-0 uga badisay kooxda Hull City.

Kooxda Chelsea ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii todobaad ee ciyaarta gool madax ah u dhaliyay ciyaaryahan Eden Hazard,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Edin goolEdiin goolEdin celeeCaleee Ceelee

Ciyaaryahan Tom Huddlestone ayaa daqiiqadii 61-aad ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Hull City.

Red Reed

Ciyaaryahan Diego Costa ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Chelsea.

Costa goolCostaa CeleeCosta CeleeCeleeee

Ciyaaryahan Costa ayaa dhaliyay goolkiisii 12-aad ee horyaalka ingiriiska ee Premier League-ga.

Kooxda Chelsea ayaa horyaalka ingiriiska ee Premier League-ga ku hogaamineyso 39-dhibcood,halka kooxda Hull City ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Leicester City ayaa waxaa garoonkeeda King Power Stadium 0-1 uga badiyay kooxda Manchester City.

Kooxda Manchester City ayaa goolka la hor martay,waxaana dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Frank Lampard,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Frank gooolFrank Lampard of Manchester City scores a goal to make the score 0-1celeeeFrankCaleeee

Ciyaaryahan Lampard ayaa dhaliyay goolkiisii 175-aad ee horyaalka ingiriiska ee Premier League-ga.

Labaad kooxood ayaana wax gool ah iska dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta.

Kooxda Manchester City ayaa kaalinta labaad uga jirta horyaalka ingiriiska,waxana ay leedahay 36-dhibcood,halka kooxda Leicester City ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda Sunderland ayaa garoonkeeda Stadium of Light barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda West Ham United.

Kooxda Sunderland ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta gool rigoore ah u dhaliyay ciyaaryahan Jordi Gomez.

Gomes PenGomes gool

Ciyaaryahan Stewart Downing ayaa daqiiqadii 29-aad ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda West Ham United,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Downing goolCelee

Labada kooxood ayaana wax gool ah iska dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta.

Kooxda West Ham United ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta afaraad,waxana ay leedahay 28-dhibcood,halka kooxda Sunderland ay horyaalka uga jirto kaalinta 15-aad,iyadoo leh 16-dhibcood.

Kooxda Burnley ayaa garoonkeeda Turf Moor 1-0 uga badisay kooxda Southampton.

Ciyaaryahan Ashley Barnes ayaa daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Burnley.

Kooxda Southampton ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 26-dhibcood,halka kooxda Burnley ay ku jirto kaalinta 17-aad,iyadoo leh 15-dhibcood.

Kooxda Crystal Palace ayaa garoonkeeda Selhurst Park barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Stoke City.

Kooxda Crystal Palace ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 11-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan James McArthur.

Ciyaaryahan Peter Crouch ayaa daqiiqadii 13-aad ee ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda Stoke City,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Labada kooxood ayaana wax gool ah iska dhalin qeybtii danbe ee ciyaarta.

Kooxda Crystal Palace ayaa horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 16-aad,waxana ay leedahay 15-dhibcood,halka kooxda Stoke City ay horyaalka uga jirto kaalinta 11-aad,iyadoo leh 19-dhibcood.

Kooxda West Bromwich Albion ayaa garoonkeeda Hawthorns 1-0 uga badisay kooxda Aston Villa.

Ciyaaryahan Kieran Richardson ayaa daqiiqadii 22-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta kaarka casaanka ah ka qaatay kooxda Aston Villa.

outgtRedoout

Ciyaaryahan Craig Gardner ayaa daqiiqadii 72-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda West Bromwich Albion.

Gardner goolgoolceleecaleeCileee

Kooxda West Bromwich Albion ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta 14-aad,waxana ay leedahay 17-dhibcood,halka kooxda Aston Villa ay horyaalka uga jirto kaalinta 12-aad,iyadoo leh 19-dhibcood.

Previous Post

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo Faah faahin ka bixiyay Cida uu u dhexeeyo Dagaalka Dhuusa mareeb ka dhacay

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin...

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In