Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
11 months ago
in Wararka
0
Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa weerar fulaynimo ah ku soo qaaday Xarunta Baarista Jilacow oo ah goob lagu baaro eedeysanayaasha ka tirsan kooxaha argagixisada.

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in muddo kooban gudaheed ay ku soo afjaraan weerarkii argagixisadu qaaday, ayna toogtaan dhammaan dhagarqabayaashii weerarka fuliyay, kuwaas oo tiradoodu ahayd toddobo (7) xubnood.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Waxaa xusid mudan in argagixisadu adeegsadeen gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo ay ku buufiyeen midabka iyo astaanta ciidamada amniga, islamarkaana ay xirnaayeen darees u eg direyska ciidamada.

Tani waxay u suurto galisay inay si sahlan uga gudbaan baraha koontarool ee laga ilaaliyo amniga caasimadda, maaddaama aan baaritaan rasmi ah lagu sameyn gaadiidka ciidamada qalabka sida.

Arrintan ayaa muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo hubinta iyo xakamaynta gaadiidka lagu rinjiyey midabka ciidamada ee gudaha caasimadda. Waxaa lama huraan ah in si buuxda loo dhaqan geliyo xeerarka, habraacyada iyo go’aannada maamulka ee khuseeya amniga caasimadda iyo xakameynta hubka.

Weerarka argagixiso ee galabta dhacay wuxuu ka tarjumayaa rafashada cadawga argagixisada ah ee shalay, 03-da Oktoobar 2025, jab xooggan loogu geystay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo laga xoreeyay deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.

Sidoo kale, 24-kii saac ee la soo dhaafay, duqeymo culus oo ka dhacay deegaannada Jilib, Mubaarak, Ugunji iyo Kuunya-Barrow ayaa lagu dilay horjoogayaal waaweyn oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, oo uu ka mid yahay ku-xigeenkii madaxa guud ee Amniyaadka kooxda Al-Shabaab, ahaana madaxa adeegga iyo soo iibinta walxaha qarxa, dhagarqabe Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax).

Ugu dambeyn, waxaa la farayaa hay’adaha amniga in ay si buuxda u dhaqan geliyaan:
• Xeerka Amniga Xarumaha Dowladda (X.Lr. 134)
• Xeerka Amniga Xarumaha Gaarka ah (X.Lr. 135)
• Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda (X.Lr. 123)

Waxaa si gaar ah loo farayaa hay’adaha amniga in ay si adag u xakameeyaan dhaqdhaqaaqa hubka iyo gaadiidka ciidamada ee gudaha caasimadda.

Waxaan tacsi u direynaa ehellada iyo ciidamada amniga ee ay ka shahiideen geesiyaashii ka hortagay weerarkii argagixisada, halka inta dhaawaca ah aan u rajeyneyno caafimaad degdeg ah.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka

Next Post

Ciidamada Qaranka oo hawlgal ku dilay horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta

Next Post
Ciidamada Qaranka oo hawlgal ku dilay horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Qaranka oo hawlgal ku dilay horjooge sare oo ka tirsan Khawaarijta

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In