Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay shirka Iskaashiga ganacsiga Soomaaliya iyo Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyey Shirka Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka, kaas oo ku qabsoomay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la jaanqaaddo dhaqaalaha caalamiga ah, dowladduna ay dadaal ku bixinayso sidii loo abuuri lahaa jawi nabad iyo xasillooni ku dhisan oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo ganacsiga.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

“Soomaaliya waa dal hodan ku ah kheyraad dabiici ah, suuq ganacsi oo kobcaya iyo bulsho dhallinyaro ah oo hal abuur ku tilmaaman. Waxaan doonaynaa inaan abuurno jawi nabad iyo xasillooni ku dhisan oo dhiirrigeliya maalgashiga iyo ganacsiga”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ganacsiga iyo Teknoolajiyadda, isagoo xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siin doonto horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo Teknoolajiyadda casriga ah, maalgelinta beeraha, kalluumaysiga, tamarta iyo abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada iyo haweenka u sahli kara inay kaalin muuqata ka qaataan kobaca dhaqaalaha.

“Ganacsiga iyo iskaashiga laba geesoodka ah waa furaha mustaqbal barwaaqo leh. Soomaaliya waxa ay rabtaa in ay noqoto albaabka ganacsi ee Geeska Afrika iyo Badda Cas”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka, xoojinta iskaashiga iyo ganacsiga.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2aad oo tababar u soo xiray saraakiil iyo Saraakiil xogeenno ka tirsan Gorgor

Next Post

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

Next Post
Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

Ciidamada amniga oo soo afjaray weerarkii Xarunta Baarista Jilacow

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In