Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda Maraykanka ayaa sheegay inay qabteen Dooni nooca Kalluumeysiga oo lagu soo raray Kumanaan Hubka Fudud ee loo yaqaanno AK47.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in 3 Markab Dagaal oo ay Ciiddanka badda Maraykanka lahaayeen ay bishan 7-dii qabteen Doonidaasi oo ka timid dalka Iran, kuna wajahnayd dalka Yemen.
Doonida la qabtay oo ay la socdeen Lix qof oo u dhashay dalka Yamen ayaa waxay sidday 2,116 xabbo oo Qoryaha AK 47 ka ah.
Taliska Dhexe ee Ciiddanka Badda ee Maraykanka waxay kaloo sheegeen in Doonidaasi lagu qabtay Marin ay inta badan adeegsadaan Shixnadaha sharci-darada ee u socda Kooxda Xuutiyiinta ee Yamen
Taliyaha Taliska Dhexe ee Mariniska Maraykanka, Admiral Brad Cooper ayaa tilmaamay in Shixnadda Hubka ee la qabtay ay qeyb ka tahay hawlaha socda ee ay Iiraan ku abuurayso deganaanshaha Gobalka.
Bilowgii bishii December ee sanadkii hore ee 2022-kii, waxay Ciiddanka Maraykanka sheegeen inay qabteen Dooni tahriibinaysay in ka badan 50 tan oo isugu jiray Hub, Rasaas iyo qeybo kamid ah walxaha qarxa.