Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Danab oo Maleeshiyada Al shabaab kala wareegay Tuulooyin hoostaga Balcad

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Danab oo Maleeshiyada Al shabaab kala wareegay Tuulooyin hoostaga Balcad
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgalo ay ka sameeyn deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe waxay kula wareegeen Tuulooyin ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyada Al shabaab.

Muuse Nuur Shuceyb oo ah Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga degmada Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidamada Danab ay la wareegeen Tuulooyinka kala ah Daniga, Barwaaqo, Garasweyn iyo Walamooy, iyadoo dagaal uusan ka dhicin maadaama Argagaxisada markii ay maqleen in Ciidamada Danab ay usoo jiheysteen Tuulooyinkaasi ay ka carareen.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye kuxigeenka in Tuulooyinka ay la wareegeen ciidamada ay ku burburiyeen Saldhigyo halkaasi ay ku lahaayeen Maleeshiyada Jid iyo Jiho diidka ee Al shabaab oo halkaasi kasoo abaabuli jiray weeraro ay ku dhibaateeyaan shacabka ku nool deegaano hoostaga Degmada Balcad.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo guulo ka gaaray Howlgaladan ayaa bartilmaameedkoodu ugu weyn uu ahaa in gacanta lagu dhigo Daniga, halkaas oo Muddooyinkii dambe Shacabka ay ka cabanayeen dhibaatooyinka ay ugu geystaan Maleeshiyada Al shabaab, waxayna hada ciidamada Danab ku wajahan yihiin tuulada Basra.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya saaxiibada Beesha Caalamka ayaa Gobalada dalka ka wada Howlgalo dhulka iyo cirka ah oo lagu ciribtirayo Maleeshiyo Jid iyo Jiho diidka ee Al shabaab, waxaana Maalmihii ugu dambeeyay lagu guuleystay in la Burburiyo Saldhigyo dhowr ah sidoo kale la khaarijiyo qaar badan oo ka mid ahaa Argagaxisada oo qorsheynayay inay Shacabka Nabad galyada iyo Nolosha u diidaan.

Previous Post

Tirada dhimashada dhul gariirkii Jasiirada Lombok, Indoniisiya oo sii kordheysa

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Xarunta Wasaaradda

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Xarunta Wasaaradda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya kula kulmay Xarunta Wasaaradda

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In