Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada dowladda Yemen oo Mukalla la wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidamada dowladda Yemen oo Mukalla la wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada dowladda Yemen oo ay taageerayaan ciidamada isbaheysiga ayaa qabsasaday magaalada dekadda ah ee Mukalla iyo xarunta ugu weyn ee dalkaasi ee laga dhoofiyo saliidda, iyagoo ka qabsaday kooxda al-Qaacidada Jaziiradda Carabta.

Ciidamo ka wada tirsan isbahaysiga Sacuudigu horkacayo ayaa gudaha u galay magaalada Mukalla, oo ahayd xarun weyn oo kooxda al-Qaaidada jaziiradda carabtu ay muddo sannaddo ah haysatay. Duqeyn cirka ah ayaa sahlay inay ciidamadan ay Mukalla galaan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026

Qabsashada Mukalla ayaa dhabarjab ku noqonaya Alqaacidda, sababtoo ah waxay u ahayd meel ah deked ay canshuuro badan ka heli jireen.

Ku dhawaad 80 boqolkiiba, saliidda kayda Yemen ayaa waxaa xilligii nabadda laga dhoofin jiray goobta lagu magacabo Ash Shihr, oo 68 km u jirta magaalada xeebta ah Mukalla, laakiin xarunta saliida laga dhoofiyo ayaa xirnayd tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada ay al-Qaacidada ku qabsatay halkaasi.

Qabsashadan ayaa u muuqanaysa istiraatijyada cusub oo isbahaysiga Sacuudigu horkacayo uu la yimid, kuwaasoo muddo sannad ka badan awooddooda diirada ku saarayay kooxda Xuuthiyiinta ee Iran taageerta, oo iyagu qabsaday caasimadda, dowladdana inteedii badnayd dibedda dalka uga masaafurisay.

Dagaallada sokeeye ee dalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 6 kun iyo 200, waxaana ku barakacay 2.5 malyuun o qof, iyadoo dagaalladan ay sababaeen masiibo bini’aadanimo.

Xabbadjoojin aan cago badan ku taagnaydn ayaa tan iyo bishan April tobankeedii jirta, waxaana ay qeyb ay ka tahay qorshe ay QM wadahadal nabadeed doonaysop inay ku dhexdhigto Xuuthiyiinta iyo madaxweyne Abdi Rabbu Mansour oo isagu imiaka Kuwait ku maqan.

 

Previous Post

Turkiga oo10 Kun oo guri muqdisho ka dhisi doono

Next Post

Barlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga xuduudaha

Next Post
Barlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga xuduudaha

Barlamaanka oo maanta ka doodaya sharciga xuduudaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda  Muqdisho

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil oo ka socda Muqdisho

January 8, 2026
0

Bannaanbax ka dhan ah xadgudubka Israa’il ee madaxbannaanida JFS ayaa caawa ka socda Muqdisho. Bannaanbaxan ayaa waxaa dhigaya boqolaal qof...

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Taliska Booliska Gobalka Banaadir oo qabtay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay shir deg-deg ah oo looga hadlayay amniga Caasimadda....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In