Ciidamada Hey’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku dhigay saddex Gaari oo siday xamuul u badan Alaabo electronics ah iyo dadkii watay.
Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, waxayna sidoo kale Ciidanku gacanta ku dhigeen Sideed Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda.
Kooxdaan ay gacanta ku soo dhigeen Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ku sii jeeday goobaha Khawaarijtu ay ku dhuumaleysanayaan, waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen cadowga si loogu adeegsado gumaadka Shacabka Soomaaliyeed.