Soddon iyo shan maalmood ayaa ka soo wareegtay markii uu billowday dagaalka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, kaasi oo burbur xooggan u geeystay magaalooyinka waaweeyn ee Ukraine, iyadoo ay sii dheer tahay boqolaal qof oo ay soo gareen dhimasho iyo dhaawac ah, sidokale kumanaan qof ayaa gudaha dalkaasi ku barakacay intii ay socdeen dagaalada.
Barasaabka gobolka Lugansk ee dhaca bariga Ukraine, Sergey Gaidai, ayaa warbaahinta u sheegay in subaxnimadii hore ee saakay madaafiic culus lala beegsaday xaafado ka tirsan magaalada Lyschansk ee bariga Ukraine, kuwaasi oo la sheegay in ay geeysteen waxyeello kala duwan.
Shalay ayay aheed markii Wada-hadallo nabadeed ay ka furmeen magaalada Istanbul, halkaasi oo uu Ruushka kaga dhawaaqay inuu dhimi doono howlgallada milateri ee ka socda magaalooyinka Kyiv iyo Chernihiv.