Sida ay ku warrantay Wakaaladda wararka ee Reuters, ciidamada qalabka sida ee Suudaan ayaa hakiyay ka qayb galka wada xaajoodka ka socda magaalada Jeddah, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.
Mas’uul ka tirsan Ciidamada Suudaan ayaa u sheegay Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP inay Golaha Milliteriga qaateen Go’aankaasi, kadib markii ay Kooxda RSF ay fulin wayeen Qoddob ka mid ah Hindisahii ku baaqayay inay Dagaalamayaasha RSF ka baxaan Isbitaalada iyo Guryaha Muwaadiniinta ee ay ka dhex dagalamayaan.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay labada dhinac ee ay dirirtu u dhexeysa ay xalay isweydaarsadeen eedeymo la xiriira in ay ku xad-gudbeen heshiiskii kordhinta Xabbad joojinta.