Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada X.D.S oo howlgal ka dhan ah Shabaab ka wada G/Sh/Hoose

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Ciidamada X.D.S oo howlgal ka dhan ah Shabaab ka wada G/Sh/Hoose
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay howlgal lagu sifeynayo Kooxda Nabadiidka ee Al-Shabaab  ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay Radiyo Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degmooyinka Sablaale iyo Kurtunwarey oo ka wada tirsan Gobolka Shabeellaha hoose,isagoona sheegay in Ciidamada Dowladda inta howlgalka ay socdeen ku gubeen gaadiid dagaalka oo maleeshiyaadka Al-Shabaab lahaayeen.

Related posts

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026

“ Degmooyin badan ayay hadduu Alle yiraahdo ka howlgalayaan, degmada Sablaale iyo deegaanada hoos yimaada sida Sablaale yare iyo weyn oo xarunta degmada Ku taalo iyo degmada Kurtunwarey oo ay ciidamada ku gadaaman yihiin,howlgalka hadduu soo dhameystirmo inshallah warbixinta oo dhameystiran idin sheegi doonaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Najax.

Ibraahim Aadan Janax,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhamaan degmooyinka howlgalka ka socdaan sida Sablaale iyo Kurtunwarey laga faramaroojiyay Al-Shabaab,islamarkaana Ciidamada Geesiyaasha Soomaaliya ay Maleeshiyada Al-Shabaab ka gubeen ilaa iyo saddex gaari oo nuuca dagaalka ah.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidamada AMISOM,ayaa howlgal lagu ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka bilaabeen Gobolka Shabeellaha Hoose,waxayna ciidamada howlgalkaasi ka gaareen guul la taaban karo.

Previous Post

Madaxweynihii Koonfur Africa Jacob Zuma oo is casilay

Next Post

Doorashada Kursi ka bannaan Golaha Shacabka oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Next Post
Doorashada Kursi ka bannaan Golaha Shacabka oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Doorashada Kursi ka bannaan Golaha Shacabka oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

April 8, 2026
0

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalka,...

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In