Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyey Gobolka Gedo.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
June 10, 2019
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ururka 49-aad, Guutada 10-aad qeybta 43-aad ayaa howlgallo baaxad leh ka sameeyay degaanno ka tirsan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Howlgalladan oo lagu baacsanayay haraadiga kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab ayay Ciidanku kula wareegeen  degaanno  badan oo ay ku waxyeelleyn jireen Dadka Rayidka ah.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, Dhamme, Cali Maxamed Xasan, ayaa sheegay in ay Cadowga ka sifeeyeen degaannada ku xeeran Baardheere ee dhaca Webiga labadiisa geddi.

Wuxuu sheegay Taliyuhu in howlgalladan ay soo socdeen illaa Tobadkii dambe ee Bisha ramadaan, iyagoo ka cirib tiran masaafo gaareysa 35 km oo isku weer ah, halkaas oo ay Argagixisadu ku waxyeelleyn jireen Dadka iyo Gaadiidkuba.

Tuulooyinka Bakal, mataanaha iyo Buurweyn, oo ah goobihii ugu dambeeyay ee cadowga laga fara maroojiyay ayuu sheegay taliyuhu in ay Shacabka halkaasi ku dhaqan aad usoo dhaweeyeen.

Howlgalka la dagaallanka Argagixisada oo haatan si isku mid ah ugu socdo goobaha ay Dalka kaga dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab ayaa waxaa horay ugu dhowaaqay madaxda ugu sarreeysa Dalka, kaas oo haatan maraya meel wanaagsan.

Previous Post

Milateriga Sudan oo Shacabka u adeegsaday gaaska dadka ka ilmeysiiya.

Next Post

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha JFS.

Next Post

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha JFS.

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In