Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha JFS.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira, ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isagoo kala hadlay dowrka AMISOM ay ka ciyaareyso xasilinta Soomaaliya ka dib markii dhowaan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya waqti kordhin loo sameeyay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore dabayaaqadeedii qaatay go’aanka ah 2472 kaas oo waqti kordhin loogu sameeyay howlgalka AMISOM,waxaana Golaha ammaanka uu ansixiyay in 1000-askari laga dhimo tirada AMISOM ee ka howlgasha Soomaaliya si waafaqsan Qorshaha Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya oo si tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalka Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026

“Dhammaanteen waxaan isku raacnay in AMISOM xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Soomaaliya si ay gacan uga geysato soomalaiya dadaalkeeda ah in la xasiliyo dalka lana ciribtiro Al-Shabaab. Dadaallada wadajirka ah waa in ay sii socdaan, Al-Shabaab waa in la xakameeyaa, “ayuu Ambassador Madeira ku sheegay wareysi uu bixiyay ka dib markii uu shirka soo idlaaday.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Madeira ayaa ka wada hadlay horumarada laga gaaray qeybaha amniga,gaar ahaan waxay si aad ah diirada u saareen deegaanadii dhowaan ay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ee Sabiib iyo Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

” Tani waxay ku tusuineysaa tayada ciidamada (SNSF) ee hubinaya in dadka Sabiid iyo Bariire iyo in hantidooda la ilaaliyo oo aysan jirin jid-gooyooyin sharci-darro ah oo aan lahayn canshuur sharci-darro ah ama meel ka dhac lagu sameeyo,” ayuu yiri Ambassador Madeira.

Ugu dambeyntii, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay iney sii socon doonaan howlgalada lagu beegsanayo kooxaha argagixisada ee ay wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo AMISOSM.

Previous Post

Ciidamada xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyey Gobolka Gedo.

Next Post

India :Maxkamad dambi dil iyo kufsi ah ku heshay 6-ruux.

Next Post

India :Maxkamad dambi dil iyo kufsi ah ku heshay 6-ruux.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Sagootiyay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

September 10, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali ayaa ka qaybgalay xaflad sagootin ah oo...

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In