Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagu burburinayo Argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali Ganeey iyo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ku dileen todobo ka tirsan maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab xili halkaas ay ku dhuumaaleysanayeen.
Saraakiisha hogaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in Ciidamada Qalabka Sida ay ka warheleen in maleeshiyo Al-Shabaab, ka tirsan ay Tuulada Quulaale ay ku abaabulayeen weerraro ay ku soo qaadaan degaanno hoostaga Degmada Maxaas, balse ay ciidamada halkaasi ka fuliyeen howlgallo qorsheysan oo ay ku laayeen dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab.