Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

ciidanka booliska oo xalay degmada Heliwaa ku dilay Shabaab weerar ku soo qaaday saldhigga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Taliska booliska oo ka digay in qashinka la soo dhoobo hareeraha waddooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay inay fashilyaan weerar Kooxda Nabad diidka ah ee Al-Shabaab xalay kusoo qaaday saldhigga Booliska Degmada Heliwaaa ee Gobolkan Banaadir, iyadoo Ciidamadu halkaasi ay kula wareegeen hub isla markaana ku dileen 3-dhagarqabe oo ka tirsanaa kuwii weeraka soo qaaday.

Taliyaha Booliska Qebta Gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Baree “Cali Gaab” oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Kooxaha Nabaddiidka ah ay saldhiga ka soo weerareen dhowr jiho, balse Ciidamada Booliska ay ku guuleysteen in shacabka Degmada ay ka badbaadiyaan dhagarta Argagaxisadu ay la damacsanaayeen.

Related posts

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026

“Abaaro sagaalkii fiidmo ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay saldhiga ka soo wareereen saddex jiho, laakiin ciidanka ayaa ku guuleystay inay goobta ku dilaan saddex ka tirsan kuwii weerarka soo qaaday, waxaana laga furtay labo qori oo Ak47 ah iyo hal qori oo nuuca RPG ah, goobta ayayna ka carareen” ayuu yiri Taliye Cali Gaab.

Sidookale Jeneraal Cali Xirsi Barre ayaa u mahadceliyay shacabka Degmada Heliwaa oo uu sheegay in ciidanka ay u soo gudbiyeen xogta ku aadan weerarka Maleeshiyaadka Al-Shabaab  ay ku soo qaadeen saldhigga, waxaana uu ka codsaday inay sii xoojiyaan la shaqeynta ciidanka amniga.

Weerarka Maleeshiyada Al-Shabaab ay kusoo qaadeen saldhigga Booliska Degmada Heliwaa ayaa imaanaya, iyadoo habeen hore ciidanka sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ay kahortageen weerar Argagaxisadu ay doonayeen inay ku qaadaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana tallaabooyinkaasi ay tusaale u yihiin sida ciidamada Amniga ay ugu heelan yihiin xoojinta Nabadgelyada.

 

 

 

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO”

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Muqdisho "SAWIRRO"

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

April 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa booqday xarunta Qaybta 3aad ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo miino baaris ah ka sameeyay deegaanka Gololey

SNAF Clears IED in Gololey

April 6, 2026
0

The Somali National Armed Forces (SNAF) conducted a mine clearance operation today in the Gololey area, located in Balcad town...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In