Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Danab iyo Nabad sugidda Jubbaland ayaa burburiyey xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijtu.
Howlgal qorsheysan ayay ciidanku ka fuliyeen deegaanada Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus iyo Yaaq dabayl oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.
Ciidamada ayaa howlgalka ku dilay 23 kamid ah Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen laba horjooge oo kala aha Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab) sida ay Warbaahinta Dowladda u xaqiijiyeen Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa.