Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab ayaa waxay ku dileen horjoogeyaal muhiim u ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo dhagar u qorsheynayey shacabka.
Danab ayaa hawlgalkaan ka fuliyey duleedka degaanka Leego, gaar ahaan Tuulada Sahan-yareey oo ka tirsan degmada Walan-weyn, halkaasi oo ay ku dileen horjoogeyaal ay ka mid yihiin Cabdicasiis Awoowe oo argagixisada u qaabilsanaa Sirdoonka gobolka Shabeelada Hoose, horjoogihii qaraxyada Gobolka Shabeelaha Hoose (Abuu-qadaab) iyo lix maleeshiyaad ah oo la socday sida ay Warbaahinta codka ciidamadda qalabka sida u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidanka Danab ee hawlgalkaasi fulinayey.
Hawlgalkaan qorsheysnaa ayaa sidoo kale lagu bur-buriyay goob maxkamad beenaad u aheyd Argagixisada oo dadka shacabka ah ay ku baadi jireen, iyadoo Danab intii hawlgalka ay kuguda jireen ay kusoo qabteen liis ay ku qoran yihiin magacyada, nambarada iyo meelaha ay kala joogaan sixiroolayaasha Al-Shabaab ay ummadda u adeegsadaan.
Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa kordhiyay hawlgallada lagu baacsanayo horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka baxsadka ah ee ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.