Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka xoogga dalka oo dilay horjooge Mukhtaar Nuurow oo Alshabaab ka tirsan

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Ciidanka xoogga dalka oo dilay horjooge Mukhtaar Nuurow oo Alshabaab ka tirsan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sideed kamid ah maleeshiyaadka Alshabaab oo uu ku jiro horjooge, Mukhtaar Nuurow oo argagaxisada ugu xil saarnaa dhibaateynta shacabka gobolka Baay, ayay ciidanka  xoogga dalka maanta ku dileen degmada Diinsoor, sida uu sheegay taliyaha ciidanka.

Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Idaacadda codka ciidamada qalabka sida, ayaa xaqiijiyay dilka maleeshiyaadkan argagaxisada ah, isagoo intaas ku daray in dilka uu dhacay markii maleeshiyaadka isku dayeen in ay carqaladeeyaan amniga degmada Diinsoor.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ciidanka xoogga dalka ayaa soo bandhigay meydadka maleeshiyaadka la laayay, sidoo kale ciidanka waxaa ay furteen saanad ciidan oo argagaxisada ka carareen ka dib markii iska caabin adag kala hor yimaadeen ciidanka qaranka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, ayaa sidoo kale sheegay in laga war hayay maleeshiyaadka isla markaana si wanaagsan loogu diyaar garoobay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale jab loo gaarsiiyo maleeshiyaadka Alshabaab oo ku dhuumaaleysanaya degaanada gobolka Baay.

Previous Post

COVID-19 oo markale ka dillaacay dalka Jarmalka

Next Post

Kulanka golaha wasiirada oo lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah +Sawirro

Next Post
Kulanka golaha wasiirada oo lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah +Sawirro

Kulanka golaha wasiirada oo lagu ansixiyay hindise sharciyeedyo muhiim ah +Sawirro

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In