Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay, xaaladda guud ee amniga dalka, Xanuunka Safmarka Karoona, warbixinno ku saabsan safarro shaqo oo wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay ku tageen gudaha dalka iyo dibeddiisa, ansixinta hindise sharciyeedka Xajka iyo hindise sharciyeedka Habka maktabadaha Soomaaliyeed.
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...















