Daraawiishta Galmudug iyo Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa sheegay inay la wareegeen Deegaano ay dhawaan iskaga carareen Maleeshiyaadka Al-shabaab kuwaas oo ku yaala Koonfurta Gobolka Mudug
Saraakiisha Ciidanka ayaa tilmaamay in Maleeshiyaadka Al shabaab iskaga baxeen Deegaanka CAAD oo ahaa Saldhiga labaad ee malayshiyadu ku lahaayeen Koonfurta Gobolka Mudug
Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa maalmihii u dambeeyay Koonfurta Gobolka mudug ka waday Guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Argagaxisada ah ee Al-shabaab looga saarayo Gobolka Mudug, kasoo oo guulo la taaban karo laga gaaray.
Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa booqosho dhiiro galin ah ugu tagay Ciidanka ku howlan Baacsiga Al-shabaab kuwaas oo ku ammaanay Ciidanka shaqada ay Dalka u haayaan.